Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Sheegay in ay Kursiga sii Fadhiyayaan Haddii Doorasho Dhici waydo 26 June.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay haddii ay doorashadu ku qabsoomi waydo 26 Juune 2015-ka inaan Kursiga madaxweynanimada Somaliland kaga tageyn hanjabaad iyo handidaad, balse ay ku sii joogataan si sharciya.

Wasiir Xirsi waxa uu sidaa maanta ku sheegay mar uu ka hadlayay xidhitaanka Shirweynaha Beelaha Gaashaan-buur Axmed Faarax (Habar-jeclo) oo ka socday Huteelka City Blaza ee Magaalada Burco.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa waxa uu yidhi “Qolyaha mucaaridka ah ee leh haddii ay 26 Juune doorasho dhici weydo wax ayaa dhacaya, iyo dawlado kale (Dawlad wadaaga) ayaa la sameynayaa, waxaanu ku nimi sharci oo waxaanu Komiishanka ka sugaynaa wakhtigii doorashada, wixii ka soo baxana waanu u hogaansamaynaa. Tartan diyaar ayaan u nahay “26 Juune haddii ay doorasho dhici waydo, oo ciddii loo asteeyey qaban waydo, ma jirto nin Suulka Afuufaya, mana jirto inaanu hanjabaad iyo handidaad Kursiga kaga tagayno madaxweynaha (Axmed Siilaanyo) si sharci ah ayaa loo doortay, xukuumadiisu si sharci ah ayay ku joogtaa, si sharciya ayaanu ku sii joogaynaa haday doorasho dhici waydo. “Marwalba doorasho ayaanu diyaar u nahay, maba jirto baqo aanu ka qabno cid kale oo naga helaysa, waayo waxaanu is muujinay oo aanu isa soo bandhignay, waar aarkeyseen safarkii uu madaxweynuhu Bari iyo Galbeed ku maray, ILAAHAY mahaddii dadkayaga taageeradiisa waanu haysanaa oo waanu ku kal-soonahay”. Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com