Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wax-garad Reer Awdal ah oo Taageeray Mowqifkii Guddoomiye Cirro ka Istaagay Dib u dhac ku yimaadda Doorashooyinka

Shir Jaraaid oo ay maanta ku qabteen Magaalada Boorama qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo dhalinyarada gobolka Awdal, ayaa waxa ay kaga dareen celiyeen xaalada uu maanta dalku marayo, waxana ay ku taageereen mawqifkii ay madaxda sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ka qaateen mudo kordhin loo sameeyo xukuumada, waxana sidoo kale ay dareen ku cabireen sida ay diyaarka u yihiin inay ka dhiidhiyaan marmarsiiyo kasta oo sharciga baal barsan waa sida ay hadalka u dhigeene oo ay xukuumada uu waqtigeedii gabaabsiga yahay ee xisbiga Kulmiye ku doonayso inay doorashooyinka dib ugu dhigto.

Shirkan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Siyaasi Cabdi Maxamuud Ismaaciil (Cabdiwayne) waxana uu yidhi “Waxa aan si balaadhan u taageeraynaa hadalkii ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Cire iyo mawqifkii uu xisbiga WADDANI ka istaagay xaalka uu dalku maanta marayo iyo doorashooyinka loo baahan yahay inay qabsoomaan, Somaliland waxa ay mudo ku soo caana maashay is maqal, is ixtiraan iyo ku dhaqanka shuruucda, iyo doorashooyinka oo waqtigooda ku qabsooma hadaba waxa maanta aan wada ogsoonahay in xukuumada xisbiga Kulmiye ee M/Siilaanyo hogaanka u hayo oo ay mudadii la doortay ka hadhsan tahay waqti kooban, ayaa waxa muuqata saan saan ay xukuumada Kulmiye ku rabto in ay doorashooyinku dib u dhacaan, Talaabadaasina waxa aan u aragnaa mid aan dalka maanta u wanaagsanayn, sidaadi darted, waxa aan Madaxwayne Siilaanyo leenahay, waxa waajib kaa saran yahay in aad doorashooyinka mudayso, una sheegto axsaabta muxaaridka ah iyo umada reer Somaliland-ba waqtiga ay doorashadu qabsoomayso.

Sidoo kale Caaqil Aw Iimaan Xuseen Qays, Caaqil Cabdiraxmaan Bade, Caaqil Muuse Aadan Ibraahin iyo Caaqil Ismaaciil Warsame Bare oo hadalka iska daba qaatay ayaa carabaabay in aan sinaba loo aqbali Karin mudo kordhin, iyo doorashooyinka oo dib u dhaca, waxana ay si toos ah ula hadleen Madaxwaynaha waxa ay yidhaaheen “Waxa aan soo dhawaynaynaa baaqa ka soo yeedhay hogaanka sare ee xisbiga WADDANI, hadalkaas oo ahaa mid dadka, nabada, iyo dalkaba u ehel ah, waxana aan anaga oo bulshada ka wakiil ah, isla markaasna ah muwaadiniin reer Somaliland ah qabnaa dareen salka ku haya wax aan loo baahnayn oo ah in doorashooyinka dib loo dhigo si mudo kordhin loo sameeyo xukuumada, taasina waa mid aan dadka u wanaagsanayn, anagu nabada ayaan danaynaynaa, waxana aan la hadlaynaa Madaxwaynaha, lama hadlayno wasiirada ka hooseeya, waxana aan leenahay Mudane Madaxwayne waxa lagaa sugayaa waxa ay tahay in aad doorashada Aminteeda (Waqtideeda) cayinto oo aad dadka u sheegto.

Garyaqaan Cabilaahi Awxuseen Muumin oo ku hadlayay magaca dhalinyarada ayaa isaguna ugu baaqay madaxwaynaha in uu mustaqbalka dhalinta badbaadiyo doorashooyinkana waqtigooda qabto waxana uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarada gobolka Awdal, waxa aan aad uga dayrinaynaa xaalka ay maanta dhalintu kaga sugan tahay dalka, waxana aan leenahay dhalinyarada reer Somaliland, waxa ay baahi u qabtaa inay aragto dimuquraadiyadii ka jirtay dalkooda hooyo oo hanaqaaday, taasina waxa ay ku iman kartaa oo udub dhaxaad u ah doorashooyinka oo waqtigooda ku qabsooma, sidaas aawadeed, waxa aan ku leenahay Mudane Madaxwayne badbaadi dalka, badbaadi mustaqbalka dhalinta oo badbaadi nabadgalyada iyo dimuquraadiyada tubteedii haysata ee reer Somaliland oo doorashooyinka ku qabo waqtigoodii, meeshana ka saar damaca dalal badan oo Africa ah hoday ee salka ku haya in aad mudo kordhin aan shaqci ahayn.

Baaqan ka soo baxay xeerbeegtida ah lafdhabarta bulshada reer Awdal ayaa ku soo beegmaya waqti ay mudo kooban oo ku siman 26ka June 2015 uu dhamaanayo xiligii la doortay xukuumada Kulmiye, isla markaana waxa ahaa mid miisaankiisa leh oo taageerada shacabka u soo leexinaya dhinaca xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com