Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiye xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa taxay hadimooyin Wasiirka Madaxtooyadu faraha u galiyay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo sheegay inuu haatana qorshaynayo Dhibaatooyin kale oo uu dalka galiy

cali-guray Guddoomiye xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa taxay hadimooyin Wasiirka Madaxtooyadu faraha u galiyay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo sheegay inuu haatana qorshaynayo Dhibaatooyin kale oo uu dalka galiyo. Waxa uu farriin adag u diray Madaxweynaha oo ugu sheegay inuu Ogolaado wadatashi.

“Ninkaan u jawaabayaa horta waa Madaxweyne Siilaanyo, oo xataa Warqad furan oo aan hubo inaanu xataa maqal aan kula taliyay, taladaydaas tu dhaantana inaanu Xirsi siinayn aan hubo. Ninka weyn ee Madaxweynaha ah ee yidhi muddo xileedkii la I doortay maalin ku darsan maayo, macnaha uu u jeedaa wuu cad yahay, oo waliba aad ku darto wixii uu hore u yidhi ee ahaa haddaad I doorataan oo Madaxweyne iga dhigtaan wax muddo kordhin la yidhaa oo dambe dhici mayso oo doorashooyinka oo dhan waxaan ku qabanayaa xilligoodii. Illaahayna wuxuu yidhi Ballanta Fuliya, Ninka wadanka jabiyayna horta waa Ninkaas” ayuu yidhi Cali Guray isagoo intaasi raaciyay inuu Madaxweynaha yaqaano uu jeclaa inuu balantaasi oofiyo balse dadka ku xeerani beeneeyeen.

Cali Guray, waxa uu sheegay in Wasiirka Madaxtooyada iyo Qolyo ka amar qaataa geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen dib u dhigista Doorashada, balse intaaba Madaxweynuhu arkayay waxbana aanu ka qaban.

“Waxaad Ogaydeen in Afar doorasho Daahir Rayaale qabtay oo aan dhibic Dhiig ahi ku daadan, balse Xirsi Isagoo halkan Caruurtii ku laayay, ee isagu uu soo diray Maydkoodii yaalo ayuu intuu Axmed Siilaanyo ku soo cararay yidhi waxaad tidhaahdaa dadku way degayaane Doorasho Xor ah oo Xalaal ah baa dhacday. Axmed(Madaxweynaha) oo Macawis xidhan baa laga furay oo halkan la soo fadhiisiyay isagoo dhelelowsan oo sidii kalena ah ayaa la soo joojiyay oo dhiigii iyo dhaawacii iyo dhimashadii oo taala ayuu yidhi doorashadu mid xor ah oo xalaal ah ayay ahayd, horta Hargeysa maalintaas halkii goday dib u soo kaban mayso.

Waayo? Haduu maalintaas raali galin ka bixin lahaa oo uu odhan lahaa waxbaa khaldamay oo uu la xisaabtami lahaa Raggan la socda ee Xirsi Kow ka yahay, oo si furan oo cad Kiiskaas loo baadhi lahaa, cidii ku lug lahaydna wax laga qaban lahaa Maanta waa la aamini lahaa doorashada soo socota” ayuu yidhi Cali Guray.

Mujaahid Cali Guray waxa uu intaasi raaciyay “Doorashooyinka soo socda Xirsi wuu isii Muddiyo lisanayaa, isagoo dhiigii horena faraha u galiyay iyo ka dambe ee hadduu sii joogo faraha u gali doonaba waynu u wada joogi doonaa”

Guddoomiye xigeenka 3-aad ee Ucid waxa uu farriin u diray Madaxweynaha “Madaxweyne Siilaanyo waxaanu leenahay Xirsi oo kuu wasiir ah iyo 26-ka June ayay inoo tahay anigu Inanka yar(Xirsi) la hadli maayee. Kor baanu kuula hadalay, hoos baanu wax kuugu sheegnay, Nasteex baanu kuu nahay, wadatashi baanu Ogol nahaye, Marka Xirsi ku yidhaahdo Anigaa RRU-dii iyo Koofiyad castii iyo Lacagtii inoo haya diid. Dalkan wixii ka dhacana adigaa Masuul ka ah ee Xirsi Kama noqonayo. Waxaad haysataa bishi March inaad soo jawaabto si aynu uga wada tashano inta ka horaysa iyo wixii ka dambeeya Muddo xileedkaaga, waxaanu ogol nahay inaynu ka wada tashano laakiin Xirsigan aad meesha ku haysataa ma Ogola” ayuu yidhi Cali Guray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com