Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Gudoomiyaha aqalka Guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomida doorashada,

Gudoomiyaha aqalka Guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomida

doorashada, waxaanu ku dooday inaan wakhtigoodii la gaadhin.
Gudoomiyaha oo Saxaafaddu wax ka waydiisay aragtidiisa doorashada waxa uu ku jawaabay “Doorashada dee maxaan ka Odhan, Doorashooyinka ninka maanta wad-wadaa waa nin kicin wada. Doorasho wakhtigeedii ma joogto, marka la gaadho wakhtigeeda haddii la qaban kari waayo,markaas bay leedahay ka tashi laakiin, maanta waxan aan arkayo ee Jaraa’idkii iyo Mucaaradkiiba lagu waashay, anniga iima taalo Golahayagana uma taalo”
Gudoomiyaha Guurtidu wuxuu ku sifeeyay dadka wakhtigan arrimaha doorashada ka hadlay rag wax qarbudaya ama doonaya in codkooda la maqlo “Wakhtiga doorashada hala gaadho, markaas qaranku waa tashanayaa, Waddadiisana waa yaqaan qaranku uu u marayo oo wuxuu leeyahay Sharci iyo Dastuur uu u maro, dastuurkaas iyo Sharcigaas ayuun baa loo raacayaaye Ninkii wax kale ku riyoodaa isagaa cirka caano ku Og ee Maxaa saska looga qabayaa”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guurtidu
Gudoomiyuhu waxa uu intaasi raaciyay “Guddidii doorashadu annaga waxba nama odhan, Madaxweynihii nama odhan waxba, Maxaad annaga afka nooga qoryo-qoryaynaysaan, markay xaggaaas ka soo dhamaato ayuun bay Guurtida timaadaaye dee ha la gaadho”
Hadalka Gudoomiyaha ayaa imanaya iyadoo Mucaaradka iyo Xukumaddu aad ugu kala fog yihiin Doorashada dib u dhac ku yimaada. Mucaaradka ayaa sheegaya inay u caddaatay inaan doorasho qabsoomayn islamarkaana loo baahan yahay inaan xukumaddu wakhtigeeda dhaafi Karin ee dawlad wadaag ah la dhiso, halka Xukumaddu muddo kordhin ku doo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com