Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waftigii Somaliland uga qaybgalayey wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa maanta ka ambabaxay madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeya

Waftigii Somaliland uga qaybgalayey wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa maanta ka ambabaxay madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeya, kuwaas oo ku sii jeeda dalka Turkiga oo Axda todobaadkan uu ka furmayo wadahadaladii u dhexeeyay Somal

Waftigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxa ku eahelinayey Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka duulista iyo hawda Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Xoghaha guddida arrimaha dibada Xildhibaa Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Jirde Siciid oo ka tirsan Golaha Guurtida.

Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wadahadalada u socda Somaliland iyo Somaliya ay maalinta Axda ah ka furmayaan dalka Turkiga, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxa aniga iyo waftigan balaadhan ee aanu wada socono u ambabaxaynaa shirkii Turkiga oo maalinta Axda bibaamaya, socondoonana ilaa Isniinta oo aanu wadahadlayno dawlada Somaaliya, waxaanan filaynaa in aanu guul ka keeno. Sidaad la socotaana shirararku waxa weeyaan Somaliland iyo Somaaliya oo ah laba dal oo kala duwan ah, xuduud mucayina leh oo dadka aanu wadahadlaynaa maaha dad reer Somaliland ah asalkoodii hore ahaa, waxaanu wadahadlynaa dad Xamar ka yimid, haseyeeshee nidaamka Somaliland waxa weeyaan in aanu la xidhiidhno oo la hadalno dadka ka socoda Somaaliya ee ah xuduudihii Talyaaniga, anaguna waxaanu nahay kuwii Ingiriiska labadaa dal ee kala duwan ayaa wadahadlaya oo wixii Isirkoodu hore u ahaan jiray Somaliland anaga shaqo naguma laha, waayo Somaliland ma wadahadlayso ee shirku waa Somaliland iyo Somaaliya.”

Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Shirkii u dambeeyay ee Jabuuti ka dhacay ee labada Madaxweyne ay ku kulmeen, qodobadii ka soo baxay ee labada Madaxweyne saxeexeen waxa ka mid ahaa in la fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo ay ka mid tahay arrimihii ku lugta lahaa hawada, waxa nala socda Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland, xagoodana (Somaaliya) waxa la socda Wasiirkii hore ee duulista, markaa waxaanu filaynaa inay ka wadahadli doonaan arrimahaasi ku lugta leh hawada. Sidii aanu hore u qornay ee labada Madaxweyne ay u saxeexeena waxa lagu heshiiyay in la fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo hawadu ay ka mid tahay waanay ka wadahadli doonaan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com