Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo qaar ka mid ah Shaqaale weynaha Wasaaraddaasi ayaa maanta gondaha isdaray islamarkaana kulan ay yeesheen isku waydaarsaday cabashada shaqaalaha iyo isdifaaca Wasiir Cukuse

Maamulka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo qaar ka mid ah Shaqaale weynaha Wasaaraddaasi ayaa maanta gondaha isdaray islamarkaana kulan ay yeesheen isku waydaarsaday cabashada shaqaalaha iyo isdifaaca Wasiir Cukuse iyo Masuuliyiinta ka hooseeya.

Arrintan ayaa daba socotay isku soo bax shaqaalahani shalay sameeyay oo ay saxaafadda ugu sheegeen in wasaaradda isku dul noolaansho iyo dulmi ka jiro, islamarkaana madaxda wasaaradda iyo dad gaar ahi ku tagri falaan Mushaharka iyo gunnada shaqaalaha.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, ayaa kadib kulanka saxaafadda u sheegay inay suuro gal tahay cabashada shaqaaluhu balse aanay ahayn mid loo kasay. Wasiirka oo saxaafaddu waydiisay waxa keenay cabashada shaqaale weynaha wasaaradda ayaa yidhi:-

“Adeer horta shaqaale weynihii oo dhan maaha ee saaka waad nala joogteen, Suxufiguna wuxuu indhihiisa ku arkayay inuu ka run sheego ayaa muhiim ah. Halkan waxaa ka shaqeeya lix boqol iyo dhawr iyo sodon qof(632), markaa intaad halkan ku arkayseen may ahayn Lix boqol oo shaqaale mudaharaadsan ah, waxaanse kuu sheegayaa inay jiri karaan shaqaalaha qaar cabanaya iyo qaar aan cabanayn labadaba”

Wasiir Cukuse ayaa iftiimiyay halka cabashada shaqaaluhu salka ku hayso “Meesha cabashadu ka soo baxaysaa waxay tahay, waxaanu hore u samaynay guddi dib u hayneed, Guddidaasi waxbay soo go’aamiyeen, markaa wixii ay soo go’aamiyeen ee ahaa caddaalad u samaynta shaqaalaha dhexdooda, ayaa waxa dhici karta in qaarkood dhibsadaan, waxaa ka soo bixi karta khaladaad,waxa ka soo bixi kara in inta badani xaq tahay oo fiican tahay. Si kasta oo ay tahay waxaanu diyaar u nahay inaanu saxno, waxaanan u saaray Guddi 7 qof ah oo iyaga ka mid ah oo dib u eega go’aamadii gudida iyo siday u xaq soortay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Shaqaalaha ayaa markii ay Masuuliyiintooda Wasiir Cukuse ugu sareeyo la doodayeen, waxay ku eedeeyeen in hanaan qabyaaladeed iyo Nin jeclaysi ah Shaqaalaha lagu maamulo, loona kala sad buriyo. Shaqaalaha cabanayay oo tiradooda lagu qiyaasay in ku dhaw 100 Qof ayaa Guddida dib u habaynta samaysay ku tilmaamay inay ahayd Guddi shaqaalaha cuno qabataysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com