Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in ay toddobaadka soo socda billaabayso dhimasha darbi ay ka dhisayso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya.

warkiiugudambeeyay-midyar

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in darbiga ay ka dhisayaan dhammaan xuduudda ay la wadaagaan Somalia, taasoo uu xusay inay qayb ka qaadan doonto sugidda amniga gudaha Kenya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerarro khasaare badan geystay oo xadka ay kaga tallowday ka geysatay gudaha Kenya, waxaana kooxdu ay ugu baaqday Kenya inay ciidamadooda kala baxdo Somalia si ay dalkooda ugu helaan ammaan.

“Dhismaha darbigan waxaan billaabaynaa todobaadka soo socda, waxaana laga billaabayaa degmad Mandheer, si looga hortago kooxaha soohdinta ka soo gudba.” ayuu yidhi Joseph Nkaissery.

Xildhibaanka aqalka sare ee laga soo doorto Mandheera Bilow Keeroow ayaa taageeray qorshaha dhismaha darbigan, balse wuxuu shaaciyay inuu yahay qorshe KMG ah oo lagu adkeynayo amniga Kenya.

Sidoo kale, xildhibaanka kale ee laga soo doorto Gaarisa, Ilyaas Barre Shiil ayaa isna horay u sheegay in ay kasoo horjeedaan fikirka dhismaha darbiga ay xukuumadda Kenya ka dhisayso xuduudda.

Qorshahan ayaa ahaa mid markiisii hore loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Laamu oo ah deegaanka xeebta Kenya ku yaalla, halkaasoo ay xoogagga Al-shabaab ka geysatay weerarro khasaare badan; balse xilli dambe ayaa la ballaariyay.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah Howl-galka Midowga Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ciidamadan gudaha Somalia ku sugan ay si weyn uga soo horjeesatay Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com