Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mujaahid Xasan Guure Jaamac, Gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka, ayaa naqdiyay khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo sabtidii ka jeediyay aqalka Baarlamaanka oo uu tilmaamay inaanay ahayn mid uu kaga hadlay arrimo ay ahayd in bulshada lagala hadlo.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac, Gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka, ayaa naqdiyay khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo sabtidii ka jeediyay aqalka Baarlamaanka oo uu tilmaamay inaanay ahayn mid uu kaga hadlay arrimo ay ahayd in bulshada lagala hadlo.

Waxa uu sheegay inay ahayd in Madaxweynuhu ka hadlo sixir bararka dalka ka jira iyo hanaanka garsoorka oo uu sheegay inuu yahay mid aan la isku halayn Karin maadaama Maxakamadduhu ka gar naqi kari waayeen murankii doorashadii degaanka ee 2012-ka oo Maxakamaduhu qaban waayeen dacwadihii Ururada cabanayay, kuwaasi oo aan haddana kalsooni lagu qabin haddii doorashooyinka cabasho ka soo baxdo.

Mujaahid Xasan Guure, waxa uu sheegay inaanay haboonayn in Madaxweyne Siilaanyo ka hadlo arrimaha Puntland ama ay Cabdiwali Gaas ay wada hadlaan balse ay fiicnayd inuu la hadlo dadka Somaliland ee siyaasaddiisa diidan.

“Intay Cabdiwali Gaas wada hadlayaan, waa inay wada hadlaan dadka reer Somaliland ee Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo diidan, intii Cabdiwali la hadlayo waxaa ka haboon inuu Cali Khaliif la hadlo, Waayo? Cabdi wali waxba kama dhexeeyaane Cali Khaliif bay wax ka dhexeeyaan. Waxay xaqiiqadu tahay in arrintaas Miiska oo lagu dhameeyo mooyaane aanay xabad ku dhamaanayn oo Afganistan buu maraykan qaban kari waayay. Waxaanu leenahay gogol loo siman yahay oo loo dhan yahay ha lagu dhameeyo arrimaha Bariga” ayuu yidhi Xasan Guure Oo HCTV la hadlayay.

Mujaahid Xasan Guure, oo ka hadlayay warar ku saabsan In Sucuudigu Somalia waydiistay inuu Yemen ka duqeeyo Berbera, ayaa sheegay in haddii arrintaasi jirto ay nusqaan ku tahay Siyaasadda khaarajiga Xukumadda. Waxa uu tilmaamay inaanay arrintaasi oo kale xukumaddan horteed dhici jirin islamarkaana siyaasadda arrimaha dibadu hoos u dhacday haatan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com