Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Labada Xisbi Mucaarad Ucid iyo Waddan iyo Madasha wadatashiga oo shir jaraa’id wada jir ugu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay inay qabanayaan Shir ay kaga arrinsanayaan Xukumadda iyo wakiilada wakhtigoodu dhamaanayo wixii laga yeeli lahaa

Labada Xisbi Mucaarad Ucid iyo Waddan iyo Madasha wadatashiga oo shir jaraa’id wada jir ugu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay inay qabanayaan Shir ay kaga arrinsanayaan Xukumadda iyo wakiilada wakhtigoodu dhamaanayo wixii laga yeeli lahaa. Waxay sheegeen inay go’aamo ka soo saari doonaan shirkooda gaarka ah maadaama Xukumaddu ka soo jawaabi wayday baaqyo hore oo ahaa in laga arrinsado muddo kordhinta Xukumadda loo samaynayo.

Kusimaha Xoghayaha Xisbiga Ucid Cabdinaasir Qodax, oo mawqifka Isbahaysiga Mucaaradka u akhriyay saxaafadda ayaa sheegay inay Xukumadda ka waayeen wax ku saabsan talo laga yeesho xaaladda siyaasadeed ee hadda taagan “Waxaanu hore ugu baaqnay in wada tashi iyo is afgarad laga yeesho wixii laga yeeli lahaa Xukumadda iyo golaha wakiilada ee Wakhtigoodu sii dhamaanayo, haseyeeshee ilaa hadda wax farriin ah kama hayno Xukumadda,” Ayuu yidhi Mr Qodax

Cabdinaasir Qodax, waxa uu intaasi raaciyay “Mucaarad ahaan waxaanu maanta ku dhawaaqaynaa in kol haddaanu waynay wada tashigii, aanu todobaadka soo socda samayn doono guddida qabanqaabada Shirka aanu goonidayada ugu tashanayno. Waxaanu shirkaas kaga tashan doonaa Arrintaasi inagu gadaaman wixii aanu kaga bixi lahayn”
Cabdinaasir Qodax oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Muddo xileedkii Madaxweynaha iyo wakiilada waxaa ka hadhay 69 cisho, wakhtigu cidna saamixi maayo,Wufuud badan oo Maraykan iyo Yurub iyo cid walba leh ayaa dalka timid, intuba waxay ka dhawaajiyeen inaynu doorashooyinka qabsanno December, Komishankana waxaanu ka sugaynaa inuu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqo maalinta doorashada”

Kusimaha xogyaha Ucid, waxa uu sheegay in Qodob ku jira xeerka diwaangalintu caqabad ku yahay doorashada “Waxaa lagama maarmaan ah oo ay in laga hadlo tahay, Xeerka diwaangalinta oo uu ku jiro qodob sheegaya in doorashada la qabto 6 bilood ka dib marka diwaangalinta codbixiyaha la qabto. Komishanku wuxuu sheegay in diwaangalintu dhamaanayso 21 November, wakhtigaa 6 bilood ka bacdi inay doorashooyinku qabsoomaan baa ku qoran sharciga,markaas looma baahna 6-daa bilood waxaanu soo jeedinaynaa in laga saaro qodobkaasi”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa khudbad sanadeediisii u dambeysay ku sheegay inuu diyaar u yahay wadatashi laga yeesho xaaladdaha siyaasiga ah ee doorashada ku saabsan balse hadalkiisa kadib lama arag cid Xukumaddiisa ka mid ah oo hadal haysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com