Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shaqaalaha Diwaangalinta Madaniga ah ka wada Gobolka Togdheer ayaa sameeyay Mudaharaad cabasho ah.

Shaqaalaha Diwaangalinta Madaniga ah ka wada Gobolka Togdheer ayaa sameeyay Mudaharaad cabasho ah. Shaqaalaha ayaa sheegay in muddo 2 bilood ah oo ay ku hawlanaayeen diwaangalinta muwaadiniinta aanay helin Mushaharkii ay xaqa u lahaayeen iyo shilin kale oo dawladda ka soo gaadhay toona.
Shaqaalaha ayaa sheegaya in Buugaagta,Qalimaanta,Cuntadooda, iyo Gaadiidka ay goobaha shaqada u raacaan ba jeebkooda ka baxayeen muddo laba bilood ah,sidaasi darteedna ay u joojiyeen Shaqada.
Shaqaalaha guud ahaan goobaha diwaangalintu ka socotay oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maamulka heer gobol ee Togdheer ku wargaliyay inaan wax lacag ah loo hayn, waxaanay sheegeen in Lacagtooda la musuqmaasuqay islamarkaana ay tahay in loo sii daayo Lacagaha ay Xaqa u leeyihiin.
Cabashada Shaqaalaha Diwaangalinta Togdheer
“Magacaygu waa Siciid Maxamuud Xareed, waxaanu nahay Ardaydii loo qaatay Diwaangalinta eek u soo baxay Imtixaanka, Maaanta waxaanu dhamaan halkan iskugu nimid oo ay u xidhan yihiin goobihii diwaangalintu ka socotay ee Gobolka Togdheer waxaan 2 bilood na soo gaadhin Mushaharkii iyo wixii aanu xaqa u lahayn ee aanu Heshiiska ku galay. Markii Maamulka Gobolka aanu u tagnay waxay noo sheegeen inaan wax lacag ah naloo hayn, iyagoo yidhi meeshaad doontaan u doonta, taasina ay nagu kalliftay inaanu Saxaafadda iyo dawladda u soo bandhigno in Shaqaaluhu wakhtigii loogu talo galay ku helaan wixii ay xaq u lahaayeen, Goobuhuna ay xidhnaan doonaan”
“Magacaygu waa Cabdillaahi Yuusuf Axmed, oo ka mid ah Shaqaalaha diwaangalinta Gobolka Togdheer, waxaanu halkan iskugu nimid anagoo ka kooban goobihii oo dhan, markii aanu waynay wixii aanu xaqa ugu lahayn dawladda labadii bilood ee ugu dambeeyay, waxaanuna joojinay shaqadii, waxaanu wasaaradda daakhiliga iyo Xukumaddaba ka codsanaynaa in arrintaas si degdeg ah loo fuliyo, shaqaduna sidaas bay u taagnaanaysaa inta wixii aanu xaq u lahayn helayno.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com