Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dalada Guud Ee Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolada M,jeex ,Hawd ,Saaxil iyo Togdheer waxay canbaaraynaysaa xadhiga foosha xun ee lagula kacay sheikh Aadan Sune

Dalada Guud Ee Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolada M,jeex ,Hawd ,Saaxil iyo Togdheer waxay canbaaraynaysaa xadhiga foosha xun ee lagula kacay sheikh Aadan Sune Oo ka mida culimada waawayn Ee dalka Somaliland ,sheekha ayaa ayaa in mudo ah ba ku xidhan xarunta C.I.D isla markaana aan ilaa hada aan la siidayn .

Hadaba dalada dhalinyaradu waxay aad u canbaaraynaysaa ugana soo hor jeeda xadhiga cadaalad darada ee lagula kacay sheekha oo ka mida culimada waawayn ee dalka Somaliland, isla markaana ku caan baxay sheegida xaqa iyo kasoo hor jeedsashada Xumaanta iyo dhaqamada xun xun ee gaaladu inagu soo fidiso isla markaan ay ku fasahaadinayaan umada muslimiinta.

Waxaanu ugu baaqaynaa cid kasta oo xadhigaa ka danbaysaba in sheekha xoriyadiisa

loosoo celiyo oo deg deg loo sii daayo wixii lagu eedaynaayana wax laga waydiiyo sheekha isla markaana kitaabka alle iyo sunada Rasuulka NNKH lagula noqdo wax kasta oo khilaaf ah.

Alla Mahad Leh.

Afhayeenka Dalada Aqoonyahanka Hawd

Haashim Mahdi Cabdi (Dawlad)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com