Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War-saxaafadeed: Xuska maalinta Saxaafadda Adduunka 3 May

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu maalinta Saxaafadda dunida kala qayb qaadanayaa xuska 3 May oo ay maalinta saxaafadda dunida, taasoo manta laga xusayo daafaha dunida gaar ahaan SOLJA waxay farxadda manta la qayb sanaysaa Qaaradda Afrika oo xuskan si weyn looga qaban qaabiyey, maadaama dibu-dhac badani ka muuqdo isla markaana Xukuumaddaha ka taliya qaarkood six un ula dhaqmaan Suxufiyiinta.

Xuska maalinta saxaafadda dunida oo ku beegan maanta oo ay bishi tahay 3 May SOLJA waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo taageerta Xorriyatul-qawlka iyo Madax banaanida Saxaafadda oo Tiir muhiim u ah bulshooyinka Caalamka iyo Dawladdaha ka jira, kuwaas oo ay saxaafaddu tabiso xogaha iyo wararka ay is-dhaafsadaan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu caddaynayaa Somaliland inay tahay Dal Madax banaan oo Xorriyatal-qawlka iyo Madax banaanida saxaafadu tahay dunida meelaha ugu horeeya inkasta oo ay jiraan caqabado kooban oo la odhan karo horumar baa laga samayn karaa haddii xeerarka iyo shuruucda dalka ka jira dhinac kastaa u hogaansamo.

Madax banaanida Saxaafadda Somaliland waxay la kowsatay yagleelidii Qarankan Nabada ah ee Dunidu ku majiirato Amaankiisa, taasoo saxaafadda Somaliland u sahashay inay hawl-maalmeedkooda u gutaan si xor ah. Munaasabadanina ay manta ku soo beegantay iyadoo aanu jirin suxufi reer Somaliland ah oo xidhan ama maxkamdi ku socoto, Sidoo kale, SOLJA waxay ka werwersan tahay xaalada ay ku sugan yihiin xarumaha warbaahineed ee xidhan sida Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxayna ugu baaqaysaa Xukuumadda Somaliland inay dib Albaabada ugu furto Hay’addahaasi Warbaahineed kuwaasoo xidhan sanadkii labaad.

Gudoonka Suxufiyiinta Somailand waxay ku bogaadinaysaa saxaafada iyo suxufiyiinta inay sanadkan kiisa ku gaadhaan horumar badhaadhe iyo nabadqab.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Maxamuud Cabdi Jaamac

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com