Waxay ahayd 3/5/2002dii, muddo laga joogo 13sanno markii madaxweynihii labaad ee Somaliland Alla ha u naxariistee maxamed xaaji ibraahim cigaal,uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaal magaalada Pretoria ee dalka south Africa.
Waxay ahayd 3/5/2002dii, muddo laga joogo 13sanno markii madaxweynihii labaad ee
Somaliland Alla ha u naxariistee maxamed xaaji ibraahim cigaal,uu ku geeriyooday cisbitaal ku
yaal magaalada Pretoria ee dalka south Africa.
Waxay ahayd maalin xanuun kulul, xummad badan,xanaf leh. Waxay ahayd maalin mustaqbalka
dalku mugdi galay, murugo badan, mashaqo leh. Geeridu waa xaq`e, xanuunkeeda ayaad la
murugoonaysa kuna damqaya. waxaa 6/5/2002dii si heer qaran ah loogu aasay magaalada
berbera.illayn waxa hubaal ah in bulshadeenu ay taqaano sida la isku aaso, ay tahay aasid og,
qabri ammaan, qabri billa iyo —————– iyo——————-iyo——– —————.ma sheegno
qofku waxa uu yahay inta uu nool yahay, mahadnaq inagama helo, milgaha iyo sharafka uu
mudan yahay inagama helo, waxba inagama helo wax uu inaga helo daaye hagardaamo ayuu
inagu qabaa. Waana kii GAARIYE(AHU) tuduc ku jiray heestiisii ( AROOS QARAN) ku yidhi:
“ Ha laguu ilmeeyee,
Horta dhimo af maahee,
Eeggoo la noolyiyo,
Ifkaan kaaga baahnahay,
Wax yar oo aqoonsiya,
Oon aad u buurnayn,
Oo waliba eegeey,
Igu sii amaahoo,
Ictiraafka buuxee,
Aakhiro markaan tago,
Iilka igu sugaayiyo,
Ayaantaan xabaal galo,
Oohintaan mutaystiyo
Akawnkayga laga jaro.”
Waa in aynaan is hafrin iskuna diidin mahada uu qofku mudan yahay, bal aniga oo gawl-
gawlaya kana dhiganayna is xasuusin, aan dul istaagno waxqabadkii muuqday ee uu u soo
qabtay guud ahaan dadka soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadka Somaliland, iyo siduu u baray
uguna hogo-tusaaleeyay dadka ku hadla af-soomaaligu inay noqdaan dad waaqiciyiiin ah oo
wax qabsan kara, awood iyo kartina leh. Isagoo u jeel galay, u jajabay, una jarmaaday si uu u
jiheeyo uguna hago hillinka haboon ee hagaagsan.
1:Halgankii waayihii xoriyadda iyo waxqabadkii soomaaliya
Maxamed xaaji ibraahim cigaal wuxuu sannadkii 1929kii ku dhashay Ooweyne, wxaaanu
yaraantiisii ku barbaaray magaalooyinka burco, berbera iyo sheekh, halkaas oo uu ku
dhameystay waxbarashadiisii dugsiga dhexe, ka dib waxa uu waxbarasho sare u tegay dalka
ingiriiska. dalka waxa uu dib ugu soo laabtay kontameeyadii.
Sannadkii 1956dii Alla ha u naxariistee cigaal waxa loo doortay inuu noqdo xoghayihii guud ee
xisbiga SNL/USP.
Madaxweyne cigaal sannadkii 1960kii, wuxuu gacantiisa ku saxeexay in somaliland ay
xornimadeeda ka qaadato dowladda ingiriiska. Cigaal wuxuu u tartamay doorashadii
baarlamaanka ee sannadkii 1960kii la qabtay wuxuuna ka mid noqday 33kii xubnood ee ku
guulaystay doorashada isaga oo laga soo doortay degmadda berbera. Ka dib badhasaabkii
markaas joogay waxa uu golihii ka magacaabay afar wasiir iyo hal wasiir ku xigeen,
madaxweyne cigaal (AHU) wuxuu ka mid noqday wasiiradaas waxaaanu noqday wasiirka
dawladaha hoose.
Markii ay Somaliland ka xorowday gumaysigii ingiriiska,waxa 27kii bishii juun 1960 barlamaanka
laga ansixiyay sharci loogu gogol xaadhayay israaca iyo midnimada labada dal ee Somaliland iyo
somaliya, walow aanay midnimadaasi u dhicin sifo sharci ah, ka dib markii labadii gole
baarlamaaan wada fadhiisteen kullankoodii u horeeyay oo madaxweyne ku meel gaadh ah
loogu magacaabay Aadan cabdule cismaan isaguna raysal wasaare ku meel gaadh ah u
magacaabay c/rashiid cali sharmaake, dawladii uu soo dhisay c/rashiid waxa uu hogaamiye
cigaal ka noqday wasiirka difaaca. Sidoo kale dawladii la dhisay markii distoorka la ansixiyay
waxa uu cigaal noqday mar kale wasiirka waxbarashada.
Ka dib markii ay sallugeen dadka reer Somaliland dawladii inta badan ka koobnayd koonfurta,
waxay dadka reer Somaliland ku heshiiyeen culays in la saaro ku salaysan in wasiirada
Somaliland iska casilaan jagooyinka ay ka hayaan dawladda, madaxweyne cigaal wuxuu ku
dhaqaaqay oo ku dhiiraday is casilaadaas isaga oo waafaqaya danta iyo dadnimada ummadiisa
reer Somaliland.
Hogaamiye cigaal waxa uu noqday raysal wasaare markii c/rashiid cali sharmaake loo doortay
madaxweynihii dalka somaliya.
Halgan dheer ka dib markii Somaliland ay la soo noqotay xornimadeeda 1991kii ayuu cigaal soo
gaadhay burco oo lagu shirsanaa,waxa uuna ku noqday imaaraadka carabta oo uu deggenaa.
2:Hannaan u dhisitaankiisii somaliland
Maxamed xaaji ibraahim cigaal, waxa uu yimid Somaliland 1993kii markii uu shirweynihii
guurtidu ka socday magaalada boorame oo cigaal loogu doortay madaxweyne, meey
1993kii.halkaas oo uu mar kale ka bilaabay hawlihiisii siyaasadeed ilaa 3/5/2002da oo uu ka
geeriyooday.
Madaxweyne cigaal waxa uu gunta ka soo bilaabay habkii iyo haykalkii dawladnimo,waxa uu
noqday hogaamiyihii u horeeyay ee aduunka ka abuuray dal aan la aqoonsanayn oon dunida ka
helin dhaqaale iyo gacan- siyaaasadeed midna haddana horumarsan lehna sharci iyo kala
dambayn.
Madaxweyne cigaal waxa uu sameeyay dastuur tayo leh ku haboon saaxadda uu ka dhaqan
galayo ahna kan aan hadda ku kala socono iyo dal dimuqraadiya oo hirgeliyay nidaamka
xisbiyada badan, tartan turxaan la`aan ah iyo in si nabad gelyo ah loola kala wareego awoodda
sare ee dalka.
Hoggaamiye cigaal waa haldoorkii qaabeeyay qaranimadeena iyo qaabka aan hadda u nool
nahay. waa haldoor u sababa nolosha immiku siday u eeg tahay maanta. Wuxuu ahaa
hoggaamiye aragti togon,toolmoon oo toosan.
Alla ha u naxariisto innagana ha inooga daba naxariisto.
Email: jirde40@gmail.com
Facebook: jibril jirde
Xigasho/ tix-raac: dhaxalkii gumeysiga.
Dhaxal-reeb (horaad).
Taariikhda ummada soomaaliyeed.