Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi oo u baxay socdaal dibada ah ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay telefishanka Star TV ku sheegay in aanay jirin hay’ado caalami ah oo Somaliland ka shaqeeya oo dalka laga saarayaa,

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi oo u baxay socdaal dibada ah ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay telefishanka Star TV ku sheegay in aanay jirin hay’ado caalami ah oo Somaliland ka shaqeeya oo dalka laga saarayaa, isla markaana wuxuu ku dooday in aanuu xumaanin xidhiidhka beesha caalamka iyo xukuumadda uu wasiirka ka yahay.

Wasiir arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis mar wax laga waydiiyay waxa ka jira war ka soo yeedhay la taliyaha arrimaha hay’adaha ee madaxweynaha, oo uu ku sheegay in dalka laga saarayo sadex hay’adood, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Beesha caalamka cilaaqaad baa naga dhexeeya, wax hay,ado ah oo la eryay ma jirto, hay,ado aanu eryaynaana waqtigan xaadirka ah ma jirto.” Mar la waydiiyay su’aal ku saabsanayd xidhiidhka xukuumadda iyo beesha caalamka oo laga dayrinayo, wuxuu ku jawaabay; “ Beesha caalamku si caadiya ayay noola hadashaa, beesha caalamku waxay qadariyaan Somaliland dadkeedu nabada iyo xasiloonida ay gaadheen. Beesha caaalamku qayb kamay ahayn halkan aynu maanta gaadhnay, meel kastoon tagana waxa layga waydiiyaa sidee shan iyo labaatan sano nabadaa haysataan u maamushaan. Somaliland danaheeda siday u maamulatana way taqaanaa, beesha caalamku marna may soo dhex gelin danta Somaliland iyo hawlaheeda, waxay noo sheegaan waanu dhegaysanaa, Somaliland baanay u taalaa inay danahooda dhamaystaan, wax ka jiraana ma jiraan beesha caalamka waa laysku xumaaday. Markaa maanta warkan laysla dhex marayo ee ah beesha caalamka iyo Somaliland iyo madaxweynihii iyo wasiiral khaarajigii baa is haysta waxba kama jiraan.”
Mar wax laga waydiiyay inay jiraan dawlado ay si gaar ah xukuumad ahaan ay uga cabanayaan siduu madaxweynuhu khudbadiisii ku xusay, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi,“dal aanu ka cabanaynaa ma jirto, beesha caalamka waanu la wada shaqaynaa, markaa wax dhibaato ah oo aanu ka sheeganaynaa dawlad gaar ahi ma jirto.” Wasiir Maxamed Biixi wuxuu sheegay inuu socdaal shaqo u tegayo Jabuuti, Itoobiya, Ivory coast, Koonfur Africa iyo meelo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com