Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waa Maxay siyaasadda Somaliland ka lahayd in Hargeysa laga furo xafiis ka shaqeeya Danaha Turkiga ee Soomaaliya?

Qunsulka dalka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo warar sheegaya in xafiiskiisa Hargeysa ku bixiyo fiisayaasha baasaboorka Soomaaliya, isla markaana sheegay in arrinkaasi yahay mid siyaasadeed oo aanu awood u lahayn ka hadalkeeda

Qunsulka dalka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo warar sheegaya in xafiiskiisa Hargeysa ku bixiyo fiisayaasha baasaboorka Soomaaliya, isla markaana sheegay in arrinkaasi yahay mid siyaasadeed oo aanu awood u lahayn ka hadalkeeda

Wargeyska Himilo oo shalay wax ka weydiiyey Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer in baasaboorka Somaliland xafiiskiisu fiisayaasha ama dal-ku-galka Turkiga ku bixiyo iyo warar sheegaya inay keliya ku bixiyaan baasaboorka Soomaaliya, ayaa sheegay inaanu awood u lahayn ka-hadalka arrintaas oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeed, cidda kaliya ee jawaab ka bixin kartaana ay tahay xafiiskooda Muqdisho.

Qunsulka Turkiga ee Hargeysa Muzaffer YukselHaseyeeshee, Masuulkani waxa uu sheegay inay jiraan wada-xaajood u socda masuuliyiinta Somaliland ee qaabilsan arrimaha socdaalka, marka wada-xaajoodkaasi dhammaadana xalna laga gaadhi doono.

Dhinaca kale, Mr Muzaffir waxa kale oo uu ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo su’aal aanu ka weydiinnay Cidda gacanta ku haysa ama maamusha Dugsiyo ururro laga leeyahay waddanka Turkiga oo ku yaala Somaliland iyo inay ka mid yihiin Dugsiyo ay leeyihiin urur laga mabnuucay dalka Turkiga oo madaxweynaha dalkaasi soo jeediyey in gabi ahaantoodaba albaabada loo laabo, kaddib markii dowladdiisu uga shakiday inay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xukunka lagaga tuurayo.

Masuulkani waxa uu arrintan isaga riixay Safaaradda dalka Turkiga ee Muqdisho oo uu sheegay inay arrimaha siyaasadda ku shaqo leedahay, balse waxa uu qiray inaanu xafiis ahaan soo gaadhin amarka Madaxweynaha Turkiga.

Jawaabaha Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland ayaa daaha ka qaaday qorshaha xafiiskooda Hargeysa oo u muuqda mid fulinaya siyaasadaha Safaaraddooda magaalada Muqdisho, balse aanu ahayn mid u gaar ah Somaliland. Xukuumadda ayaa hore u sheegtay in Turkiga iyo Somaliland isdhaafsadeen xafiisyo xidhiidhkooda ka shaqeeya. Dawlada Itoobiya oo xafiisyo kala duwan ku leh Somaliland, Puntlan diyo Soomaaliya ayaa haddana, xafiis waliba qaabilsan yahay siyaaada dalkiisa eek u wajahan meesha uu ku yaalo, balse isweydiintu waxay tahay maxaa keenaya sababta xukuumada Somaliland u ogolaatay in dalkeeda laga furo xafiis ku shaqeeya siyaasada dalkiisu ka leeyahay Soomaaliya, wax gaar ahna ugu fadhiyin Somaliland

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Turkiga Erdogan ugu baaqay wadamadda Caalamka inay xidhaan dhamaan goobo waxbarasho oo maamul ahaan hoos yimaadda Urur laga mabnuucay gudaha dalka Turkiga oo magaciisa la yidhaahdo Hizmet Movement (Gullen Movement), iyadoo Dugsiyadaas qaarkood ka dhisan yihiin Somaliland, sida ururkaasi ku baahisay bartooda internet-ka.

Haseyeeshee, masuulka Dowladda Turkiga u qaabilsan Xafiiskooda Hargeysa oo Wargeyska Himilo waxa ka weydiiyey arrintan, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, waxaanu jawaabteeda isaga riixay Safaaradda Turkigu ku leeyahay Muqdisho oo uu sheegay inay ka masuul tahay Arrimaha siyaasadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com