Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya Md Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (odowaa) ayaa ka hadlay qadiyada Somaliland iyo wada hadaladdii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya,waxaanu sheegay in dawlada Somaliya diyaar ula tahay Somaliland wada hadal bilaa shuruud ah.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya Md Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (odowaa) ayaa ka hadlay qadiyada Somaliland iyo wada hadaladdii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya,waxaanu sheegay in dawlada Somaliya diyaar ula tahay Somaliland wada hadal bilaa shuruud ah.
images

Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay telefishinka Univeral, wuxuuna yidhi isagoo arrimaha ka hadlaya “Dawladda Federaalka ee Somalia, waxay aaminsan tahay in ay tahay Somaliland qayb ka mid ah waddanka Somalia.”Ayuu yidhi Wasiir Odowaa waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Walaalayaga Somaliland waxay aaminsan yihiin inay yihiin dawlad gooni isu-taagtay. Wadahadaladii aanu Turkiga isul-tagnay, anigu waxaanu u aragnay dawladda federaalka la yidhaahdo, waxay ka kooban tahay wax la yidhaahdo 4.5 oo ay ku dhisan tahay oo ah wax waddalahaansho.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dadka ka socday Somaliland fikirkoodu ahaa in Somali kala go’do, kuwii Somalia ka socdayna wuxuu ah Midnimo “Markii aanu tagnay Turkiga dadkii ka socoday maamulka Somaliland waxay codsadeen in dadka ka yimi waqooyiga Somalia laga saaro wadahadalada, oo anigu waxaan aaminsannahay in dadka dega waqooyiga Somalia, dadna waxay u doodan midnimadda Somalia, dadkan waxay u doodan kala go’aa, marka dawlada Somalia waxay u baahantahay wadahadal bilaa shuruud ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com