Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga hir geliyey madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic laga hir geliyey madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport.

Madaxweynaha somaliland munaasibadii xadhiga uu kaga jarayey mashaariicda laga hir geliyey madaarka Hargeysa ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyey masuuliyiinta wasaarada duulista iyo shaqaalaheedaba.

Madaxweynaha somaliland sidoo kale waxa uu hanbalyo u diray dawlada isaga oo mahadnaqna u soo jeediyey dawlada Kuwait oo gacan ka siisay mashaariicda laga hirgeliyey madaarka.

Ugu horayn madaxweyne Siilaanyo ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “Maanta mahadnaq aad u balaadhan ayaan u soo jeedinayaa wasaarada duulista hawada somaliland iyo shaqaalaheedaba, garoonkan aynu maanta furayno ee qiimaha iyo qaayaha leh, balaadhinta lagu sameeyey iyo waxtarkiisu waa mid aynu kuligeen ku faanayno oo kuligeen wax

inoo wada ah, waxaanan rajaynayaa inaynu maalinba maalinta ka danbaysa ka sii badino halkana hore uga sii kacno, dalkeena waxa calaamad u ah inaynu mar walba tiigsano horu markiisa iyo korodhkiisa iyo inaynu hore uga sii socono halkii aynu taagnayn, sidaas darteed maanta waan ku hanbalyeynayaa wasaarada duulista hawada iyo intii ka hawl gashay oo dhan balaadhinta lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.” Ayuu yidhi madaxweynaha somaliland

Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “taasina waxay saldhig u tahay inuu dalku gaadhay meel dheer sidaas ayaanay tahay inaynu shacab iyo dawladba meel uga soo wada jeedsano.”

Sidoo kale Madaxweynaha somaliland waxa uu hanbalyo u diray dawlada iyo shacabka iyo Ethiopia isaga oo ku hanbalyeeyey munaasibada 24aad guurada ee ka soo wareegtay nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkaasi waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan hanbalyo ugu diro dawlada iyo shacabka Ethiopia sanad guurada 24aad ee ka soo wareegtay nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkaasi, kaas oo ah dal weyn oo aynu jaar nahay oo ay maalintoodii tahay”

Ugu danbayntii madaxweyne Siilaanyo waxa uu mahadnaq u jeediyey dawlada Kuwait oo gacan ka gaysatay mashaariicda laga hir geliyey madaarka caasimada waxaanu yidhi “Dawlada Kuwait ee gacanta inaga siisay garoonkan iyo dhismihiisa iyo fidintiisaba wax badana ina tarta iyagana waxaan u dirayaa mahadnaq aad u balaadhan.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay madaxweynaha somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com