Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Inanka Saleebaan Xuquuq, ee ku been abuurta xuquuqal insaanka . ma Siciid Cilmi Roobleh ayuu lacagta ku soo qaataa. Bidde aan xishoonayn wax walba waa laga maqlaa.

Saleebaan xuquuq waxuu isdhex dhigaayay, hadal ee aad moodaysay, inuu kolba dadka hortaagan uu kala gabbanayay. Hadduu yidhi doorasho ma dhacayso. Miyaanu ogayn in madaxweynaha uu ammaanayaa shan sano iska fadhiyay xafiiska sidii islaan qumman ah oo bakhaar haysata. Inuu xisaab la’aan iyo waajibkii saarnaa shan sano ku fulin kari waayay.

Waxaa duuban erayada uu saxaafadda mariyay ee ahayd, carruurtii inaga dhimatay ma rabno inay kuwa kalena inaga dhintaan. Carruurtu hadda iskamay dhiman ee askar qoryo sidata ayaa xabbad la dhacday. Waxuu daafac ugalay askartii carruurta laysay, inaanay dembi lahayn, ee ay weliba qaar kale dili doonaan haddii cidi isku daydo inay cabbiraan fikirkooda, oo rabitaankooda muujiyaan.

Waxuu sheegay inaan siiraanyo iyo baandada RRY, ee afka loo soo duubaa ay dili doonaan carruurtaa, tiradooduna ay ku sii siyaadi doonto kuwii hore u dhintay…

Ninka xuquuq ka sheekaynayaa, waa ninka dadka dambi uga dhigaya, inay xorriyaddooda hadlaan, inay mudaharaadaan. Sababtoo ah ruuxa muddaharaadayaa, maaha ruux hub haysta, waa ruux awood kale aan lahayn, oo uu ku muujiyo dareenkiisa iyo waxuu tabanaayo.

Saleebaan xuquuq waa ruuxa caqligiisu uu farayo in arrin looga soo dhiibo madaxtooyada uu u cuskado, oo ku shaambadeeyo waxay urruada xuquuqal insaanku raali ka yihiin. Waxaas oo dhami way duuban yihiin, markaa bal isagu ha iska daafaco waxaas oo been abuurad ah. Way jirtay in marar hore madaxtooyada dad cabbiray sharci xumada looga dhaqmo, uu ku eedeeyay inay xuquuqal insaanka ka hor yimaaddeen, way duuban tay. Waxaa isweyddiin leh marka ay timaaddo in waxaasoo dhan maxkamad lagu soo taago, inay madaxtooyada kuwa fadhiyaa ka saari doonaan.

Saleebaan xuquuq isma laha dembiyo ayaan urrurada magacooda ka galaysaa. Waana wax urruada lagala xisaabtami doono, iyana ay iska kaa fogayn doonaan. Haddaad filayso inaanay erayadaada qoraynin, waa la ururiyaa, waana laguu dhigayaa. Wax kasta oo aad dhuuni ku qaadatay, iyo erayo rakhiis ah, oo ururrada aad ku been abuuranaysaa aanay geyin.

Beenta iyo nacasnimada aad ku faanayso waxaadan ahayna. Waa laguu yaqaan.waana lagu marin abaalkaaga. Manaaha mid aad mahadin doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com