Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa mar kale celiyay inaanu ciidanka Boolisku lahayn barta Facebook-ga ee ay bulshadu kuwada xidhiidhaan,

Taliyaha booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa mar kale celiyay inaanu ciidanka Boolisku lahayn barta Facebook-ga ee ay bulshadu kuwada xidhiidhaan, isla markaana waxa uu digniin u diray cidda magaciisa sida been-abuurka ah u isticmalaysa.

Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in aannu jirin magac iyo sanduuq uu ciidanku ku leeyahay facebooka, waxaanu been abuur ku tilmaamay sanduuqas oo lagu faafiyo warar ku saabsan ciidanka Booliska, “Waxaan markale ku celinayaa Facebook uu ciidanka Boolisku leeyahay ma jiro, waana been abuur sanduuqa la isticmaalo ee lagu baahiyo sawirkayga iyo wararka ciidankuba. Waxaan bulshada u sheegayaa in sanduuqaas iyo magacuba been abuur yahay, waxaanan ku daba jirnaa cidda isticmaasha oo aanu sharciga horkeeni doono.” Ayuu yidhi Taliye Fadal.

Wuxuu Taliyuhu bulshada ugu baaqay inaanay rumaysan wax kasta oo lagu baahiyo bartaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com