Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DAAWO Xulka Chile Oo Ku Guulaystay COPA AMERICA

Ciyaar aad u adkayd oo oo goor dhawayd dhamaatay oo ay ku hurdo seegeen daawadayaashii oo isla markaana ahayd ciyaarta kama dambeysta ee tartanka qaramada Laatiin Amerika ee copa America ayaa waxay ka dhacday garoonka Santiago ee dalka Chile, halkaas oo ay isku hirdiyeen xulka Argentina iyo Xulka Qaranka wadanka Chile oo marti geliyay tartanka copa America ee sanadkan. Ciyaar xaraaradeedu aad u kacsan tahay isla markaana aan waxba la isula hadhin ayaa labada kooxoodba ay ku soo bandhigeen.

Waxa muddadii ciyaarta loogu talo galay ee Sagaashanka daqiiqo ay ku dhamaysteen labada dhinacba wax la’aan iyadoo aan wax goolal ah la iska dhalin, waxaana lagu daray 30 daqiiqo markii ay dhaamaadeen 90-kii miridh ee sharciga ahaa, halkaas oo daawadayaashii ay sugayeen in mid uuni dhalin doonto goolka. balse sidoo kale noqotay in la isu mari waayo, oo mid kastaaba ay shabageeda ilaa shatay taas oo keentay in sodonkii daqiiq gool la’aan ku dhamaadaan.

Waxa la isugu soo noqday sida sharcigu yahay gool ku laad, halkaas oo labada qaranba ay soo xusheen min shan laacib oo u laagaya rigoodhayaasha. Horaa loo yidhi gool ku laag ciyaarta ka mid maaha e, waxa farxadii guusha habeenkii xalay ahaa la caraabtay xulka qaranka Chile oo Afar gool ku laad oo ay dhaliyeen ku qaaday koobkii Qaarada America, halka Argentina hal gool ku laad oo keliya dhalisay kaas oo uu u dhaliyey laacibka weyn ee Messi oo xalay xulka Chile u diideen inay kamaraduba qabato.

3281

Messi ayaa muraaradilaacii garoonka dhexdiisa ka kici kari waayay, waxaana la arkaayay isagoo ilamadu qoysay wajigiisa, murugo ay wejigiisa ka muuqato, isla markaana tabcaan ah.

1436051906668_lc_galleryImage_Argentina_s_Lionel_Messi_1436051182801_lc_galleryImage_Chile_s_forward_Alexis_Sa3147

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com