Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SAXAAFAD MADAXBANNAAN MAXAA LOOLA JEEDAA?

Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa yidhi “Jeclaan lahaayaa in BBC ay joojiso in ay ISIS ugu yeerto Jamhuriyadda Islamiga ah”.

Sabab wuxuu ka dhigay, in ISIS aanay ahayn Jamhuriyad Islaami ah, isla markaasna ay Muslimiin badan dhibsanayaan marka ay maqlaan in magaca Islaam la siinayo.

david cameron

Wuxuu sheegay in uu ka doorbidi lahaa in loogu yeero ISIL oo ah magaceeda oo la soo gaabiyay.

Xaqiiqadu waxay tahay in David Cameron oo ah hoggaamiyaha UK aanuu awood u lahayn in uu go’aan ka gaaro eraybixinta iyo magacyada ay BBC adeegsaneyso.

Qofkii aan aqoon macnaha, halkaa ha ka dheehdo waxa loola jeedo marka la leeyahay saxaafad madaxbannaan.

Eray cusub u bixiya ma dhihin ee wuxuu sheegayaa in uu jeclaan lahaa in magaca oo la soo gaabiyay sida dalka UK loo yiraahdo in tanna loogu yeero magaceeda oo la soo gaabiyey.

Inkasta oo Cameron uu yahay Hoggaamiye shacabku soo doortay, gacantiisa kuma jiro go’aankaasi. Waa shaqada Tifatirayaasha BBC.

Dowlad haddii ay Dimuqraaddi tahay, waxaa ka adag saxaafadda oo ah indhaha iyo dhegaha shacabka oo toosh ka daba sidata Dowladda, kana madax bannaan.

Saxaafaddana waxaa ka adag Sharciga mana dhaafi karto.

Yuusuf Garaad

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com