Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliye kuxigeenka ciidanka booliska Somaliland, sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa sheegay in 16 qof lo ohayo shaqaaqo saaka ka dhacday Jaamacadda Hargeysa.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliska Somaliland, sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa sheegay in 16 qof lo ohayo shaqaaqo saaka ka dhacday Jaamacadda Hargeysa. Waxa uu ciidanka booliska ka difaacay habacsanaan maamulka jaamacaddu ku eedeeyay, isagoo sheegay in arrinta meesha ka dhacday tahay mid maamulka khusaysa.

 

Dhalin yaro cadhaysan ayaa saaka rabshay Imtixaan lagu gali lahaa Jaamacadda Hargeysa. Saaka oo ay ahayd In Qaybo ka mid ah Ardayda dhigata Jaamacadda Hargeysa galaan Imtixaan maanta bilaaban lahaa ayaa Dhalinyaro qaarkood ka mid yihiin Ardayda jaamacaddu Baajiyeen Imtixaanka.

Xogaha Mareegta Ramaas ka heshay Goobjoogeyaal ku sugnaa Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in Dhalinyaradu jeex-jeexday Imtixaanadii Ardaydu gali lahayd islamarkaana sidaasi uu ku baaqday Imtixaanka maanta bilaaban lahaa, jaamacaddana lagu kala yaacay.

Ardayda ayaa ka cadhaysan sida Ramaas xogta ku heshay muran soo taagnaa ilaa Sanadkii hore oo ku saabsan Hormuudada Qaybaha Sayniska iyo dhaqaalaha ee Jaamacadda oo shaqada laga joojiyay, ilaa haddana aan xal loo helin.

Khasaaraha rabshaddan ka dhashay ayaa lagu sheegay mid ku kooban burbur jaamacadda ah iyo gaadiidka oo la burburiyay, halka la xidhay tiro kooban oo Ardayda rabashka samaysay ah.

 

“Maanta oo bishu 27 tahay, Jaamacadda waxaa ka furmayay Imtixaankii. Maamulka jaamacadda ayaa nala soo hadlay waxaanay nagu yidhaahdeen “ciidankii hore noogu joogay 10 Askari noogu soo kordhiya”. Anagu ciidan badan iyo qoladii dhar cadda ahayd ayaanu u dirnay. Ciidankaasi 5-tii subaxnimo ayuu tagay jaamacadda, hawlihiisii ciidana si fiican buu u watay” ayuu yidhi Taliye Fooxle.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Dhibaatada meesha ka dhacday waxay ka bilaamatay jaamacadda gudaheeda. Wax dibadda ka yimid oo ku soo duulayna ma jirin. Ciidanku wuxuu ku wareegsanaa Dayrka, badhna Kidimada ayay fadhiyeen. Markii Macalimiintii mid walba Imtixaankii ula galay Ardaydii, Ardaydii Imtixaankii ayay boobtay, dabeed waxay jeex-jeexeen iyo waxay daadiyeen bay ka dhigeen. Hawshaasi gudaha ayay ka dhacday wax dibadda kaga yimidna ma jirin. Intaasi markay dhacday Ardaydii dhagax tuur bay bilaabeen saddex ilaa afar baabuur oo gudaha yaalay Muraayadaha ayaa wax ka gaadheen, ilaa 6 dibadda yaalayna muraayaddaha ayaa wax laga yeelay”.

 

Waxa uu sheegay in 16 Arday loo hayo falka Jaamacadda ka dhacay, arrintana tahay mid Maamulka iyo jaamacaddaha gudaheeda khusaysa “Ilaa 16 nin baa hawshaa loo hayaa, baadhistiina way noo socotaa, cidii sharcigu ku caddeeyana hawsheeda ayaa laga gudanayaa. Arrintan wuxuun baanu u arkaynay arrin xagga maamulkooda gudihiisa ah, kolay inaan wax badan ka sii sheegana ma jecli laakiin, anaga waxaa na khusaysa xagga ammaanka.

Hore iyo imikaba waxaan arkayay dad meelo wax galgalinaya oo qolada jaamacaddu leedahay taliyaha ciidanka ayaa wax ka qaban waayay. Taliyuhu falkii hore uga dhacay Jaamacadda sii xaqa ahayd ee waajibka ahayd ayuu wax uga qabtay, tan imikana sidii ugu wacnayd iyo gacan adag ayaanu uga hawlgalay, waanan ku hambalyaynayaa saraakiisha ciidanka,” ayuu yidhi Taliye Fooxle.

Hogaanka Jaamacadda iyo labadan Dhiin ayaa isku khilaafay hanaanka ay u wada shaqaynayaan waxaana iscasilaad gudbiyay Guddoomiyaha iyo kuxigeenka Jaamacadda, iyadoo madaxweyne xigeenku oo wakhtigaasi khilaafka xallinayay aqbalay iscasilaada islamarkaana shaqada ka joojiyay muddo 4 bilood ah labada hormuud, hase ahaatee waxaa wali xilka haya guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa hore isku casilay halka labadan  Hormuudna wali shaqada laga hor taagan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com