Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WAFTIGII MADAXWAYNE SIILAANYO OO KORMEERAY DHISMAHA JIDKA CEERIGAABO MEEL FAGAARE AHNA KALA HADLAY BULSHOWAYNTA DEEGAANKA CEEL-AFWAYN (SAWIRO)

Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo weftigii uu hogaaminaayey xalayna u hoyday degmada Ceel-afweyn ayaa goob fagaare ah kala hadlay shacbiga ku dhaqan magaalada Ceel-afweyn.

Weftiga madaxweynaha oo gudanaaya waajibaadkooda shaqo ayaa ujeedadii socdaalkooda guda-galay waxaanay shacbiga degmada ceel-afweyn ka gudoomeen 500 oo adhiya iyo 50 geela oo ka mida 100 geela oo uu shaqsiyan ugu deeqay boqor Cismaan Buurmadaw.

c1c2c3c3c4c5c6c7c8c9c10c11c13c14c15c16c17c18c18c19c20c21c22c23c24c25c26c27c28c29c30c31c32c33c34c35c36c37c38c39c40c40c41c42c43c44c45

 

ka dibna waxay weftigu gudo galeen kormeerkoodii la xidhiidhay wadada iyo sida ay u socoto hawsheedu, waxaanu madaxweynuhu soo kormeeray wadada iyo  goobaha kalasharka soo saara qaybaha kala duwan ee dhagaxa lagu dhisaayo wadada, ka dibna waxa uu madaxweynuhu u sii dhaafay dhanka tuulooyinka iyo degmooyinka u dhexeeya ceel-afweyn iyo ceerigaabo isaga oo sii maray Kalsheekh, kalmac iyo Buurta lagu magacaabo Qabyatira oo horena hees loogu magacdaray ahaydna buur khatar ah oo 4tii baabuur ee dulmara laba ka midi ay dhici jireen sida uu sheegay Engineerkii ku hawlahaa dhismaha wadadu, isaga oo madaxweynuhu buurta gaadhi ku dulmaray marna lug kaga daadegay sida muuqaalada sawirada inooga muuqata.

Madaxweynaha oo khatarta buurtaasi ay lahayd horena u maray maantana soo arkay sida loo dhisay iyo sida ay shacbigu u mahadiyeen ayaa mahadnaq iyo hambalyo ugu tagay halkay degan yihiin shaqaalihii mudada sanadka ah ku hawlanaa inay wadada iyo buurtanba ka dhigaan mid shacbigu mahadiyo kuna raaxaystaan maristeeda, iyadoo wadadu isku xidhantay ceel afweyn ilaa Ceerigaabo.

Madaxweynuhu intii uu safarkiisa ku sii guda jiray waxa si weyn loogu soo dhaweeyey degmada yufle oo ay kaga horyimaadeen masuuliyiin iyo madax-dhaqameed badani, waxaanu shacbiga ku dhaqan degmada kala hadlay goob fagaare ah isaga oo kula dardaarmay sidii ay qayb muuqata uga qaadan lahaayeen dhismaha wadada ugana mahadnaqay soo dhawaynta iyo xoolo ay sheegeen inay soo ururiyeen balse ay mar kale gudoonsiin doonan gudida wadada ceerigaabo.

ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu socdaalkiisa ka sii watay halkaasi isaga oo u socdaalay dhinaca ceerigaabo.

Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada JSL.
E-mail: naska2007@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com