Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hogaamiyaha xisbi xaakimka kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ay guurtida kala hadleen sidii guurti ahaan ay u ogolaan lahaayeen heshiiska saddexda xisbi iyo xukumaddu iskula qaateen in doorashada la qabto badhtamaha bisha December, 2016.

muuse biixi(11).jpg

Waxa uu sheegay in arrintaasi ay guurtidu dood kaga soo celisay islamarkaana Xukumadda iyo xisbigeeda ku xidhay shuruud ah in marka hore laga shaqeeyo arrimaha doorashada ka qabyada ah kadibna la isla eego wakhtiga doorashadu ku munaasib tahay si aanay mar kale dib u dhac ugu iman.

Muuse Biixi Oo BBC-da la hadlay ayaa yidhi “Xisbiga Kulmiye iyo xukumadda midna kamuu bixin heshiiskii aanu la galay xisbiyada,madaxweynuhuna waa kii dhawaan sheegay inaanay ka bixin” ayuu yidhi Muuse Biixi, isagoo intaasi raaciyay in mucaaradku ka cago jiidayo arrimaha doorashada islamarkaana diidan yahay in guurtida ay ula tagaan oo kula qanciyaan heshiiska December.

Waxa uu ku dooday in Somaliland tahay goleyaal is dheeli tira islamarkaana aanay suuro gal ahayn inay guurtida amar ku soo rogaan balse uu u socdo wada hadal ah codsi lagaga dalbanayo guurtida ogolaanshaha wakhtiga doorashada in laga dhigo December, 2016, kaas oo wakhti dheer qaadan kara “Guurtidu waxay leedahay horta diyaariya hawlaha doorashada wakhti ayaanu idiin kordhinayo kolba ma dhan baad noo wadwadanaysaan” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Jawaabta Muuse Biixi ayaa ka dambeysay shir maalmihii u dambeeyay mucaaradka uga socday Hargeysa oo ay shalay ka soo saareen qodobo nuxurkoodu ahaa in la hirgaliyo arrimaha doorashada heshiiska laga gaadhay, haddii kalena ay beesha caalamka waydiisanayaan in la soo dhex galo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com