Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaanada baarlamaanka ee gobolada galbeedka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in wakhtigan abaaro adagi haleeleen xoolo dhaqatada iyo beerladayda gobolada Awdal iyo Salal.

Xildhibaanada baarlamaanka ee gobolada galbeedka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in wakhtigan abaaro adagi haleeleen xoolo dhaqatada iyo beerladayda gobolada Awdal iyo Salal.

waxa ay xildhibaanadu xukuumadda ugu baaqeen inay gurmad deg deg ah la gaadho shacbigaas abaarahu ay halakeeyeen, sida oo kale hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatadaba waxa u soo jeediyeen inay gacan ka gaystaan dhib ka saarridda dadkooda tabaalaysan.

Ugu horayntii xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale) oo warbaahinta la hadlayay waxa uu yidhi“Galbeed abaarta ka dhacday waa mid aan waligeed ka dhicin walina cid gurmad gaadhsiisay ma jirto, haday dhinaca dawlada tahay haday dhinaca beesha caalamka tahay iyo shacaba, waxaanu cidsanaynaa in dawladu ay gurmad deg deg ah samayso, ganacsatada lacagta haysataana ay gurmad degdeg ah u sameeyaan waa dadkoodii waxa bakhrtiyayaaye, qurba joogtuna ay dadkooda soo caawiyaan, maaha abaarihii la arki jiray,galbeedkana abaari kuma dhici jirine waa tii ugu xumayd maanta, Alle ayaa gacantiisa lagu dhargaaye waxaanu ka baryaynaa inuu alle roob siiyo.”

xildhibaan Axmed-daahir Maxamuud Jirde ayaa isaguna uidhi “waxaanu ka hadlaynaa gobalada Awdal iyo Selel abaar ba’an ayaa dad iyo duunyaba saamaysay, Alle ayaa deeqda bixiya ee waxaanu leenahay Allow abaarta ka soo jabi, marlabaadka xukuumada,qurba joogta iyo haayadahaba waxaanu leenahay dad iyo duunba dadkaasu digaday yihiine si guud oo Somalilandnimo ah oo tolnimo ah wax u tara.”

xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed ayaa isaguna halkaas ka yidhi“meeshaas galbeedka waxa ka taagan abaar aan hore uga dhicin, maalin dhawayd ninbaa iisheegayay oo waxa uu yidhi sadex sac oo uu lahaa magaalada intuu yimaado ayuu boorash qaxoontiga uga iibiyay oo midba sacab uu siinayay, waa waxii dadku ay cunayeen, alle ayaynu ka rajaynaynaa inuu ka soo jabiyo, intaaskadibana waxaanu codsanaynaa dadkaas in loo dadaalo oo waxii la tari karaayo la taro.”

ugu danbayntiina waxa halkaas ka hadlay xildhibaano kale iyo xoghayaha golaha guurtida

kuwaas oo dhamaantood ku baaqay in loo baahan yahay in taageero la’la gaadho dadka abaarahu ay waxyeelyeen xoolahii iyo beerahii ay nolashoodu ku tiirsanayd, kuwaas oo wakhrtigan biyo la’aanina ay soo food saartay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com