Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa wax aka taagan xaalad daryeel la’aaneed oo Baahsan, waxana soo baxayso Qaylo-dhaan la xidhiidha in Bukaannada Halkaas jiifa

Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa wax aka taagan xaalad daryeel la’aaneed oo Baahsan, waxana soo baxayso Qaylo-dhaan la xidhiidha in Bukaannada Halkaas jiifa qaarkood jidhkooda cayayaanno ku dhasheen markii ay daryeel waayeen.

Dadweyne Daryeel la’aanta Cisbitaalka Hargeysa ka cadhaysan ayaa Telefishanka Somaliland Space Channel kula kulmay Gudaha Cisbitaalka, waxana ay ka warrameen Dhacooyin murugo leh oo ay ku sugan yihiin Qaar kamid ah Bukaanka ku sugan Cisbitaalku.

Dadweynahani waxa ay Qaar kamid ah Hawlwadeennada Telefishanka u sheegeen in cisbitaalku isku beddelay goob ay isku urursadeen dad quuta dhiiigga Danyarta, isla-markaana ay ka guurtay naxariistii iyo damqashadii loo damqanayey dadka dhibaatada caafimaad-darradu haysataa.

Haweenay Magaceeda ku sheegtay Kaltuun oo kamid ah dad indhahooda kusoo arkay Bukaan waayeel ah oo Cisbitalka dhexdiisa daryeelli la’aani ku haystao, isla-markaana kordhiisa uu dirxi galay, ayaa si murugo leh uga sheekaysay damiir xumada Hawladeennada Cisbitaalka Hargeysa iyo sida uu Cisbitaalku iskugu beddelay Goob ganacsi.

Hooyo Kaltuun oo Tefeshishanka Space-ka La Hadashay ayaa si qiiro leh uga sheekaysay dhacdo naxdin badan oo ay Cisbitaalka dhexdiisa ku aragtay, “Urbaan Dareemay, markii aan dabo gal ku sameeyeyna waxan waxan arkay oday qol ku jira, Odaygan Duqsiga ka eri baan is idhi, waa nin faalig ku dhacay, waxan odayga dhabarkiisa ku arkay Dirxi madaxa ilaa lugaha inta u dhaxaysa yaacaya.” Ayey tidhi Hooyo Kaltuun.

Hooyo Kaltuun waxa ay sheegtay in markii ay aragtay dhibaatada haystata odaygaas waayeelka ah ee Dushiisa dirxigu galay ay isku dayday inay Maamulka Cisbitaalka la Hadasho, balse ay kala kulantay jawaab ay la yaabtay, waxana ay tidhi,“Odaygu wuxu igu yidhi Reer Boramaan ahay, qoladii caafimaadkana waxan ku idhi waar miyeydaan umaddii Nebi muxamed ahayn sidii qof nool cisbitaalkii Dawladda uu Dirxi ugu dhexgeli karaa, Agaasimihii baan u tegay waxana uu iigu jawaabay adiguba qaad”

Waxa ay Kaltuun sheegtay in Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa uu isku beddelay Goob ganacsi, isla-markaana kaliya loogu shaqeeyo dadka shilimaadka haysta, taasina ay meesha ka saartay adeeggii dadka aan waxba faraha ku hayn loo qaban lahaa, waxana yiddhi, iyadoo arrimahaas ka hadlaysa,

“Cisbitaalka Hargeysa lacag baa ka socota, qofkii aan lacag bixinina ma helayo caafimaad, madaxweynahana waxanu u sheegaynaa inay dadka cisbitaalka jiifaa qudhmeen.”

Ma aha dhacdadan oo kali ah dhibaatooyinka ka taagan cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa, balse waxa muddooyinkii ugu dambeeyey uu Cisbitaalku galay xaalad aan lagu danaynin dadka bukaanka ah ee lasoo dhigo, khaasatan kuwa danyarta ah, waxana taasi ay meesha ka saartay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen Cisbitaalka Dawladda.

Dhibaatooyinka kale ee Cisbitaalka Hargeysa ka jira, ayaa waxa ugu waaweyn in Bukaannada, gaar ahaan kuwa jajaban laga saaro sariiraha iyagoo aan dhammaysan xilligii baxnaanada, iyadoo si baayac-musharayn ah sariirahaas looga kireeyo bukaanno kale oo jajab cusub ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com