Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Buurta Gacan-Libaaax Way Ka Weyn Tahay Wax Nin Carab Ah La’ Mulki Siiyo” Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Afey.

Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Cabdiraxmaan Afey) oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa si adag u beeniyey warar lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayey in madaxweyne Siilaanyo uu nin Carab ah ka iibiyey buurta caanka ku ah dalxiiska ee Gacan-libaax oo ku taalla deegaanka Go’da-weyn ee gobalka Saaxil, waxaana uu sheegay in buurta Gacan-libaax ay ka weyn tahay wax la iibiyo isla mar ahaantaana la mulki siiyo nin Carab ah, waxaana uu tilmaamay in ninka Carabka ah kaliya la dejiyey buurta Gacan-libaax meelo aan ahayn goobaha loo dalxiiso eek u yaala buurtaas.

unnamed1 unnamed1

Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan(Afey) oo hadalkan ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, ayaa sida oo kale sheegay in ninkan Carabka ahi uu la mid yahay Carabka Kuweytiyaanka ah ee degan degmada Sheekh, isla mar ahaantaana ay u soo dejiyeen siddii ay ka deegaan ahaan uga faa’idaysan lahaayeen ugana qayb-qaadan lahaa horumarinta buurta dalxiiska ee Gacan-libaax.

“Waxaan jeclahay in aan ka jawabo warar been abuur ah oo maalmahan lagu faafiyey qaar ka mid ah warbaahinta, kaas oo ahaa been abuur laga sheegay buurta Gacan-libaax, waxaana aan doonayaa in bulshada iyo shacbi weynaha u soo jeediyo arrinku sida uu yahay iyo xaqiiqadu sida ay tahay, waxaanna aan jecelahay in aan ku billaabo hubsiimo hal-baa la siistaa, sixun wax u sheeg sixir ka daran, buurta Gacan-libaax wax carab la mulkisiiyo ka weyn, waana ay ka weyn tahay wax la iibiyo. Kolka cida leh buurtii Gacan-libaax waa la iibiyey oo nin Carab ah ayaa lagu wareejiyey, waxaan leeyahay wax Allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Afey.

Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Afey oo sharaxaya ujeedooyinka iyo qaabka nink Carabka ah loo dejiyey buurta Gacan-libaax, ayaa sida oo kale sheegay in tallaabadan ay isku og yihiin xukuumadda, isla mar ahaantaana ay soo dhaweynayaan cid kasta oo horumar ka wada deegaanada degmada Go’da-weyn ee gobalka Saaxil, waxaana uu yidhi:

“Haddaan u gudbo runtu sida ay tahay iyo xaqiiqda, waxa weeye wararka la faafiyey may ahayn kuwo xaqiiqada iyo runta ku qotama, waxaana aan idiin sheegayaa in ninka carabka ah ee degay buurta Gacan-libaax in uu la mid yahay Carabka degay buurta Sheekh ee deegaankaas siddii ay u degaan iyaga iyo dadkoodiiba, kanina waxa uu yahay deegaanka Go’da weyn gaar ahaan Gacan-libaax oo aan ahayn meelahii dalxiiska ahaa, waxaa uu la mid yahay Carabka reer Kuweyd ah ee degay Gacan-Libaax, shacabka iyo sida ay uga faa’idaystaan dadka reer Sheekh, ayaa aanu annaguna sidaas si lamid ah aanu Carabka ku dejinaynaa ee deegaankan Go’da weyn oo aanu doonaynaa in aanu ay ka faa’idaystaan shacbiga degan Go’da-weyn sida carabka Sheekh deganba looga faa’idaystay ee horumarka keenay ee deegaankii wax qiimo iyo qaayo badanba ku soo kordhiyey in aan annaguna sidaas oo kale aanu deegaankan uga helno sida si la mid ah.”.

Cabdiraxmaan Xuseen Xasan, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu hawsha buurtaas ay u xil saaran yihiin odey dhaqameedyo lexlo-jeclo badan ka qaba horumarka buurta Gacan-libaax iyo deegaanka Go’da-weyn, isaga oo carabka ku dhuftay in ay mar walba soo dhaweynayaan ciddii faa’ido u soo kordhinaysa deegaanka Go’da-weyn.

“Arrintaas, aanu wadno, waxaa gacanta ku haya ee aanu doonayno in aanu ninkaas carabka ah ku dejino qeyb-yar oo ka mid ah buurta Gacan-libaax oo aan ahayn dhulka dalxiiska ah ee buurta Gacan-libaax oo ka baxsan, hawshaas waxaa gacanta ku haya mas’uuliyiin iyo madax-dhaqameedkii deegaanka, waxaana kow ka ah. Jiif Caaqil Cabdi Aadan Cayngal, Jiif Caaqil Siciid Muxumed, Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan iyo Suldaanka guud ee beelaha Habar-yoonis, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo isagu ah suldaanka guud ee beelaha Habar-yoonis min bari ilaa galbeed, min haw ilaa waqooyi. oo ah odeyaashaas madax-dhaqameedka ah ee lexlo-jeclada iyo danta ka leh deegaanka, waxii ay u arkaa danta deegaankana waa ay soo dhaweynayaan, xukuumadduna arrinkaas waa ay nagula socotaa waa ay ogtahay, fasaxeedana waa aanu haysanaa oo ama carabka ha ahaado ama cid kale oo faa’ido u soo kordhinaysaba ee deegaanka iyo dadkaba wax ku soo kordhinaysa, waanu soo dhaweynaynaa, aad ayaan u soo dhaweynaynaa, waxaana aan kuwa dacaayadda fidiyey u arkaa kuwo ka xun horumarka deegaanka u soo kordhaayey.”.Ayuu yidhi Afey.

Caaqil Cabdiraxmaan Afey, ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in aanay aqbali doonin cid kasta oo isku dayda in ay hor istaagto horumarka deegaanka Go’da-weyn gaar ahaan buurta Gacan-libaax.

“Deegaanka annaga ayaa ka mas’uul ah odeyaddii iyo madax-dhaqameedkii reerka ayaanu nahay, waanu soo dhaweynaynaa, deegaankana waxaanu isku ognahay in ay soo dhaweeyaan ciddii faa’ido u soo kordhinaysa, deegaankana annaga ayaa xil naga saaran yahay oo ma oggalaan doono cid tidhaahda waxba loo qaban maayo.”.Ayuu yidhi Caaqil Cabdiraxmaan Afey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com