Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maareeyaha haama keydka shidaalka Berbera, ayaa sheegay inay ku cuslaatay warbixinta guddida ilaalinta hantida qaranku shalay golaha wakiilada hor keentay.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Maareeyaha haama keydka shidaalka Berbera, ayaa sheegay inay ku cuslaatay warbixinta guddida ilaalinta hantida qaranku shalay golaha wakiilada hor keentay.

Waxa uu sheegay inaanay guddida siin xog sheegaysa in Haamaha kaydka shidaalka sanadkii laga helo lacag ku dhaw 24 Milyan oo dollar “Markii guddida aanu kulanay waxaan xilka hayay sanad buuxa, markaa warbixintii shalay guddidu golaha hor keentay dee waxaanu anagu u sheegnay iyo hanaan xisaabeed ay anaga naga heleen midna may ahayn. Runtii waxaanu u soo gudbinay odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, markaa shalay golaha wakiiladu waxay sheegeen in kharash dhan 24 Milyan haamaha ka soo baxaan, runtii waa arrin la yaab u leh. Kharashka aanu ku shaqaynaa waa kii goluhu noo ansixiyay 2014, kii sanadkii ka horeeyayna waanu ku shaqaynaa, waxaanay martaa hab xisaabeed adag oo litirkasta oo shidaal ah cashuurta ama adeegga laga qaado maalinleh iyo sanadleh ba xisaab adag bay martaa,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Waxa uu intaasi raaciyay Maareeyuhu “ Markaa Warbixin aanan u gudbin ayay xildhibaannadu yidhaahdeen maamulkii haamaha ayaa noo soo gudbiyay, markaa anagu warbixintaas umaanu gudbin, warbixintay Hargeysa(Ramaas)August-30-2015- Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Maareeyaha haama keydka shidaalka Berbera, ayaa sheegay inay ku cuslaatay warbixinta guddida ilaalinta hantida qaranku shalay golaha wakiilada hor keentay.

Waxa uu sheegay inaanay guddida siin xog sheegaysa in Haamaha kaydka shidaalka sanadkii laga helo lacag ku dhaw 24 Milyan oo dollar “Markii guddida aanu kulanay waxaan xilka hayay sanad buuxa, markaa warbixintii shalay guddidu golaha hor keentay dee waxaanu anagu u sheegnay iyo hanaan xisaabeed ay anaga naga heleen midna may ahayn. Runtii waxaanu u soo gudbinay odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, markaa shalay golaha wakiiladu waxay sheegeen in kharash dhan 24 Milyan haamaha ka soo baxaan, runtii waa arrin la yaab u leh. Kharashka aanu ku shaqaynaa waa kii goluhu noo ansixiyay 2014, kii sanadkii ka horeeyayna waanu ku shaqaynaa, waxaanay martaa hab xisaabeed adag oo litirkasta oo shidaal ah cashuurta ama adeegga laga qaado maalinleh iyo sanadleh ba xisaab adag bay martaa,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Waxa uu intaasi raaciyay Maareeyuhu “ Markaa Warbixin aanan u gudbin ayay xildhibaannadu yidhaahdeen maamulkii haamaha ayaa noo soo gudbiyay, markaa anagu warbixintaas umaanu gudbin, warbixintayaduna way caddahay. Waraaqaha ay naga hayaan, kuwa xafiiskayga yaala iyo kuwa wasaaradda ganacsiga yaala saddexduba way siman yihiin, markaa waxaa wanaagsanayd inay wixii aanu isku ogayn uun sheegaan,” ayuu yidhi Maareeye Saleebaan.

Maareeyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in wakhtiga ay arrimahan iska waraysteen guddida aanu jirin buuqa hadda ka taagan wareejinta Haamaha “Waxaan leeyahay warbixintaa golaha laga akhriyay anagu maanu gudbin, muddada aanu anagu kulanayna Buuqan iyo fawdadani may taagnayn oo bishii 5-aad ee sanadkan ayaanu kulanay, markaa xilli la nabad qabo ayaanu kulanay, warbixin fiicana way naga bixiyeen warbixin wanaagsana waanu kala qaadanay, kan maanta ee naloo sibir saaray aad buu noogu cuslaaday” ayuu yidhi Saleebaan.
Ugu dambeyn Maareeyaha ayaa sheegay in wareejinta Haamuhu tahay mid u taala wasaaradda ganacsiga iyo guud ahaan xukumadda, waxaanu sheegay in hawshaasi u taalo wasaaradda ganacsiga iyadoo la fulinayo siyaasadda madaxweynaha.

Waxaa xusid mudan in guddida wakiillada u qaabilsan ilaalinta hantida qaranka iyo daba galka Musuqmaasuqu dhawr cisho ka hor la kulantay wasiirka ganacsiga islamarkaana ay sheegeen inuu u sheegay inaanay Haamuhu hoos iman islamarkaana uu maqlay in la wareejinayo. Guddidu waxay sheegtay inay fahmi waayeen halka ay marto lacagta haamaha ka soo baxda iyo cidda ay hoos tagto midna.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com