Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland iyo Hay’addo Islaami ah oo ka soo jawaabay Baaqii ay hore xukuumadu ugu dirtay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ayaa si wad jir ah iska kaashanaya dib u dejinta dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

warkiiugudambeeyay-midyar Waxaanay Xukuumadda iyo Hay’adahaasi gurmadkii u horreeyay ay gaadhsiiyeen dadka abaaruhu ku dhufteen ee gobolada Galbeedka Somaliland.

Sida uu sheegay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah guddiga heer qaran ee gurmadka abaaraha, oo u waramayay Wargeyska DAWAN. Sheekh Khaliil ayaa ka war bixiyay abaarta ku dhufatay goboladda gabeedka iyo saamaynta ay ku yeelatay dad iyo duunyoba, isagoo bulshadana u soo jeediyya in ay ALLE ka baqaan oo ay RABBI baryaan isla markaana toobad sax ah oo dhammaystiran la yimaadaan.

Wasiirka oo aanu waydiinay kormeerka ay ku soo mareen gobolada Gabilay,Awdal,Selel iyo Maroodijeex waxyaabahay ay ku soo arkeen iyo qiimaynta ay ku soo sameeyeen baaxadda abaartu u saamaysay, waxa uu yidhi “Waxaanu Hargeysa kaga wada baxnay Wefti balaadhan oo ka kooban Xukuumadda,Guurtida waxaa kale oo nala socday Hay’ad Islami ah oo la yidhaahdo (OIC) Ururka Iskaasshiga Islaamka oo dallad u ah ururo badan oo Islaami ah, oo uu la socday nin Sucuudi ah oo ka socday Hay’ad loo dhisay kaalmaynta dadka Soomaaliyeed guud ahaan oo uu dalka Sucuudigu aasaasay markii Soomaaliya ay abaaruhu ku dhufteen, oo sidii u jirta una shaqaysa oo inoogu yimid baaqii Madaxweyne ku-xieenku u qoray Sucuudiga una yimid in ay wax u qabtaan dadka abaaruhu saameeyeen.
Waxa kale oo la socday wariyeyaal ka socday Tilifishinno caalamiya oo war bixino ka diyaariyay abaaraha ku dhuftay Somaliland oo ay ka mdi ahaayeen Al-Jazeera, Al-Carabiya iyo qaar kale markaa ninkaasina wuxuu ka socday gudiga qaranka sare ee dalka Sucuudiga ee kaalmaynta Soomaalida. Markaa waxaanu soo marnay deegaamadda gobolada Selel, Awdal,Gabiley iyo Maroodijeex oo aanu ku marnay safar qiimayn ah oo qaatay laba maalmood.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaana dadkaa la gaadhsiiyay kaalmo ay bixiyeen markaa laba qaybood ayaanu ahayn qaybi waxay qaaday raashin ay bixisay Hay’adda Khaliifa Fondhayshin oo noqotay hay’addii ugu horraysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha ee uu hay’addaha iyo Dalalka Islaamka kaga dalbaday in ay gacan ka geystaan gurmadka iyo samato bixinta dadka abaaruhu ku dhufteen. Waxaanay raashin Gaadhsiisay illaa laba kun oo qoys oo ku dhqan gobolada Gabilay,Awdal iyo Selel.Xukuumadduna waxay hore u bixisay 150 kun oo Dollar oo ay gurmadka abaaraha gobolada galbeedka Somaliland ugu gurmatay.”
Wasiir Khaliil ayaa intaasi ku daray “Degaamadda abaar baahsan ayaa ku dhufatay oo saamaysay dad iyo duunyoba waxaana jiray sadex isku noolaa oo kala ahaa geedka,xoolaha iyo dadka markaa laba meesha way ka bexeen xoolihii iyo geedkiiba meesha way ka bexeen oo markii dadkii xooluhu ka lee,deen waxay nolol ka dayeen dhirtii oo ay kii qoyanaa iyo kii qalalaaba shiteen si ay dhuxul uga dhigaan oo ay nolol ka dayaan.
Abaartuna waxay saamaysay gobolada Awdal iyo Selel iyo Gabilay oo kaliya illaa sagaashan kun oo qoys oo ay xoolohiina ka bexeen gobolada galbeedka waxaanu ku soo aragnay abaar sadex jirsatay oo dadkiina halis ku sugan yihiin xoolihiina ka bexeen oo qoyska ugu yar ayaa ku odhanaya xoolihii kala badh ayaa naga baxay,waxaa kale oo aanu soo aragnay xoolihii oo dhintay” ayuu yidhi wasiirka diinta iyo aw-qaafta.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Qiimayntaa iyo raashin qaybintaa aanu ku tagnay gobolada Galbeedka waxaa kale oo aanu uga soo gudubnay in aany ku soo marnay Gobolka Maroodijeex waqooyigiisa iyo hawdkiisaba. Dhanka Waqooyi ee xeebta ah waxaa ka jirta abaar baahsan oo la mid ah taa ka jirta galbeedka,waxaan uga gudubnay dhanka hawdka gobolka Maroodijeex oo ahaa dhulkii xoolo daaqeenka ahaa iyi beeralaydii dhanka hawd galbeedba, Xukuumad iyo Hay,addoba qiimayn iyo xog uruurin ayaanu soo samaynay wixii markaa loo qabanayay ee dadkaa lagu gar gaarayayna waanu gaadhsiinay.”

Wasiirka oo aanu waydiinay Xukuumad ahaan siday uga hawl gelayaan in dadka ku nool degaamadda ay abaartu saamaysay sidii gurmad loogu samayn lahaa. Waxaanu ku jawaabay “Xukuumadda iyo Hay,addaha nala socday ee aanu qiimaynta soo wada samaynaynau waxaa uu qorshuhu yahay in dadkaa abaaruhu ku dhufteen in gurmad iyo lagu badbaadnayo noloshooda ah la sameeyo taana daraasad ayaanu ku wada samaynay. Qorshuhuna waxa weeyi in dadkaa db u dejin loo sameeyo oo dadkii Xooluhu ka bexeen xoolo loo iibiyo oo halkooga lagu dhaqo,sababtoo ah haddii inyar oo raashin ah la sooyo dee bil ayay qoysku ku noolaanayaan laakiin baahidii way taagan tahay uun markaa waxaa la isla qaatay in dib u dejin rasmi ah loo sameeyo dadka oo kuwii xoolo ka bexeen Xoolo loo iibiyo, dadkii beeruhu ka ba’eenna beeraha loo maal galiyo oo laga taageero sidii ay beerahooga u beeran lahaayeen.
Waxaa kale oo qorshaha ku jirta in dadkii soo bara kacay ee ay xooluhuna ka dhamaadeen ee magaalooyinka soo galay in dib u dejin xirfadeed loo sameeyo oo la baro aqoon ay ku shaqaynstaan taana qiimaynteedii waanu wadnaa”ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Ugu dambayn Wasiir Khaliil ayaa bulshadda farta ugu fiiqay sidda loogu baahan yahay in ay dadku ALLE u noqdaan o ay RABBI baryaan kana toobad keenaan dunuubta ay gelayaan waxaa kale oo uu dadka ka waaniyay daadinta dhiigga qofka Muslimka ah oo uu sheegay in ay tahay dambi weyn oo ALLE laga galay isla markaana loo baahan yahay in qofka muslimka ahi uu ka dheeraado daadinta dhiigga qofka walaalkii ah.

Isagoo fariintaasi dirayayna waxa uu yidhi “Waxaan ummadda Somaliland ee Muslimiina ah ku dar daarayaa in aynu ALLE u noqono oo aynu RABBi barino oo aynu toobad sax ah oo dhamaystiran la nimaadno sababtoo ah cid la baryo ALLE,ayaa ugu deeqsisan oo ugu wax bixin wanaagsan markaa aynu badino ALLE bariga iyo sama falka oo is caawino oo dadkeena wax haystaa walaalahooga baahan ee abaaruhu ku dhufteen ha u gargaaraan.
Waxaan bulshada reer Somaliland ka waaninayaa in ay ka fogaadaan daadinta dhiigga qof kale oo walaalki ah oo muslim ah dilka qofka Muslimka ahi waa dambi wayn oo ALLE laga galo waana waxyaabaha dunuubta ah ee la galo kuwa ugu waaweyn oo ka qayb qaata in deeqda ALLE inaga raagto oo abaaro iyo colaado la galo markaa waxaan umadda uga digayaa khatarta iyo halista uu leeyahay dilka qof muslim ahi waxaa kale oo loo baahan yahay in aynu ducada RABBI badino oo isu naxariisano.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com