Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mulkiileyaasha shirkaddaha Shidaalka soo dejiya ayaa fashiliyay dayac tiro lagu sameeyay Haamaha shidaalka lagu kaydiyo ee Berbera. Waxay eedo culus u jeediyeen maareeyaha Haamaha shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo ay sheegeen inuu arrintan u gudbiyay baarlamaanka laalay heshiiskii lagu wareejin lahaa.

Mulkiileyaasha shirkaddaha Shidaalka soo dejiya ayaa fashiliyay dayac tiro lagu sameeyay Haamaha shidaalka lagu kaydiyo ee Berbera. Waxay eedo culus u jeediyeen maareeyaha Haamaha shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo ay sheegeen inuu arrintan u gudbiyay baarlamaanka laalay heshiiskii lagu wareejin lahaa.

Xasan Maxamed Cige, oo ah guddoomiyaha shirkaddaha shidaalka keena ayaa u hadlay musuuliyiinta shirkaddaha shidaalka oo shir jaraa’id wada jir ugu qabtay Hargeysa, waxaanu ugu horayn sheegay in Maareeyaha Haamaha shidaalka oo dareemay in haamaha laga wareejinayaa sameeyay muranka baarlamaanku ku mamnuucay wareejinta haamaha.

Golaha wakiillada ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku laalay qorshaha shirkaddaha loogu wareejin lahaa Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera.

“ Go’aanka golaha wakiilladu ku laalay ee ku saabsan Haamaha shidaalka Berbera, waxa uu ka dhashay Haamaha shidaalka Berbera oo dayac badani ku yimid, oo shirkaddihii shidaalka anfici kari waayay, oo haamihii waxay noqdeen wax daloola iyo wax baaba’ayba, ayuu yidhi Xasan.

Isagoo ka hadlaya sida uu ku yimid qorshaha shirkaddaha loogu wareejiyaa waxa uu yidhi shirkaddahan shidaalka keena ee waddaniga ahi waxay is tuseen inaanay Haamaha sidan ku eegan ee maadaama ay hantidoodii ku jirto ay dayaca haysta wax ka qabtaan, ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadduhu.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inuu musuqmaasuq ku kacay Maareeyaha Haamaha shidaalku islamarkaana lacagta la sheegay in haamuhu soo saaraan sanadkii ee dhan 24m aanay dawladda soo gaadhin “ 24 Milyan ee doolar ee soo baxda meel ay ka soo baxayso anagu ma ogin. Lacagta soo baxda anagaa bixina, dawladdana sooma gaadhin, cida sheegtayna waa ninkii Haamaha masuulka ka ahaa, isagaana la waydiinayaa lacagtaasi.”

Haamaha Shidaalka Oo Dayn Lagu leeyahay:-

Masuulkan u hadlay shirkaddaha shidaalku wuxuu sheegay in dayn badan lagu leeyahay Haamaha kaydka shidaalka “Haddii 24 Milyan ee doolar jiri lahaa may dhacdeen, in shirkadd Salaama ( Salaama Bank), lacag looga amaahdo Haamaha markii dawladdu aragtay in haamuhu dayacan yihiin. Intii aanan anagu qorshahan dawladda u soo bandhigin(In shirkaddaha lagu wareejiyo Haamaha), waxay dawladdu go’aansatay inay lacag dayn ah Salaam Bank uga qaadato haamahana ku maalgaliso oo saddex haamood ku dayac tirto.

Haddalada beenta ah ee Maareeyaha Haamaha ka yimid kadib markuu is yidhi Haamuhu gacantaada ayay ka baxaysaa ee uu barobagaadhaha ku sameeyay ee uu baarlamaankii la yimid waxa kuu daliil ah, Milyan iyo laba boqol oo dollar ayaa haamaha loo amaahday, waxa jira laamiga yar ee haamaha la dhex mariyay ee faankiisu ku batay in lacagtii lagu dhisay wali lagaga leeyahay.

Waxaa jirta in mashiinka Haamaha lagu dhaaminayo aanay haamuhuba lahayn. Waxa kale oo jirta shidaalka lagu dhaamiyo ee lagu shido Janaraytarka (Mashiinka) waxaa laga ammaahdaa shirkaddaha shidaalka, shirkaddihiina lacagtoodii way ku soo noqon laadahay” ayuu yidhi Maxamed Xasan.

Ugu dambeyntii masuulkan u hadlay shirkaddaha ayaa maareeyaha haamaha ku eedeeyay inuu kiciyay xamaasadda golaha wakiillada ee ah in Haamuhu soo saaraan lacag badan islamarkaana aan baahi loo qabin in dad shacab ah lagu wareejiyo. Waxa uu baarlamaanka ku eedeeyay inaanay waxba hubsan ee ay iska laaleen heshiiskii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com