Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War-saxaafadeed Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Aadan X Cali waxay kulan ku yeesheen maanta oo ay Taariikhdu tahay 01/09/2015-ka xarunta Maxkamadda sare ee Somaliland,

War-saxaafadeed

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Aadan X Cali waxay kulan ku yeesheen maanta oo ay Taariikhdu tahay 01/09/2015-ka xarunta Maxkamadda sare ee Somaliland, waxaanay ka wadahadleen sidii Garsoorka iyo Saxaafaddu u wadashaqayn lahaayeen, iyadoo ay labada dhinacba si qoto-dheer uga wadahadleen sidii sharciga loo ilaalin lahaa, isla markaana xal looga gaadhi lahaa Dacwadaha Saxaafadda ka soo gala Maxkamaddaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan X Cali oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay Bahda Garsoorka Somaliland inay soo dhaweynayaan Mihnada Saxaafadda iyo Suxufiyiinta ka hawl-gashaba, waxaanu balanqaaday isagoo tixgalinaya shuruucda Dalka iyo Xeerka Saxaafaddaba in ay joojiyeen amaradii ka soo bixi jiray Maxkamadaha ee lagu xidhi jiray Suxufiyiinta ka hor intaanu Xukun ku dhicin Hay’ad warbaahineed ama Suxufi.

Guddoomiye Aadan X Cali waxa uu sheegay in Maxkamadaha soo gaadheen sadex Dacwadood oo loo haysto laba Wargeys iyo Mareeg, kuwaasoo ay dhibanayaal ka yihiin Xukuumadda, Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex iyo Nin Ganacsade ah, kuwaas oo soo gaadhsiiyey Dacwado ay kaga cabanayaan Hay’adda warbaahinta, waxaanu sheegay inay Maxkamaddu amartay in Dacwadahaas la soo baadho isla markaana ay iska Difaacaan Suxufiyiinta ka masuulka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan X Cali waxa uu hogaanka sare ee SOLJA u bandhigay si loo yareeyo culayska ay leeyihiin Dacwadaha Saxaafaddu inay dhiirigalinayaan in Ururka SOLJA iyo dhibanayaasha Dacwadahani ay dibeda ku dhamayn karaan sida Dacwadaha kale ee ay dhex galaan Madax dhaqameedka iyo Dadka wanaaga jecel.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo ay goob joog ahaayeen Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Ururka SOLJA, guddida Anshaxa iyo xubnaha Hogaanka sare qaarkood ayaa Guddoomiyaha uga mahadnaqay talaabada horumarka leh ee ay Bahda Garsoorku go’aamisay ee ah inaan Suxufi iyo meherad Saxaafadeed la iska xidhin illaa Xukun Maxkamadeed sifo sharci ah ugu dhicin, waxaanay soo dhaweeyeen wadashaqaynta cusub ee bahda Garsoorku furtay, waxaanay ka codsadeen in Garsoorku si cadaalad ah ugu Garnaqo saxaafadda iyo cid kasta oo ka cabata.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland iyo Ururka SOLJA waxay isla qaateen in la sameeyo kulamo iyo tababaro labada dhinacba kaga faa’iidaystaan sidii shuruucda Saxaafadda iyo Xeerarka kale ee khuseeya looga heli lahaa Aqoon guud maadaama shuruucda Saxaafadda lagula dhaqmo dunida horumar badan laga sameeyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com