Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiye Cirro oo Ka Hadlay Go’aankii Golaha Wakiiladda ee Madaxwayne Siilaanyo Ku Gacan Saydhay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa xaqiijiyay inay soo gaadhay Warqad ka timi Madaxweynaha Somaliland oo uu ku laalay Go’aankii ay Wakiilladu dhawaan ku Diideen Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.
ciro

Mudane Cirro oo Saxaafadda kula Hadlayey Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday in Warqadda madaxweynuhu ku deedafeeyey Go’aankii Dhawaan Golaha Wakiilladu ku diideen wareejinta Haamaha Keydka Berbera,“Go’aan buu Goluhu gaadhay madaxweynuhuna waraaq buu soo qoray ay ku qoran tahay inuu Soo Celiyey Go’aankii Golaha, Warqadduna waxa ay timi Hadda, Goluhuna isagaa Go’aan ka gaadhi Doona.” Ayuu yidhi Mudane Cirro.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay inaanu jirin qodob dastuuri ah oo qeexaya in Madaxwaynuhu soo celiyo iyo inaan u soo celin go’aan ka soo baxay golaha wakiilada , waxana uu yidhi,“Goluhu waxa uu Madaxweynaha u gudbiyo inuu soo celiyo iyo inaanu Soo celin Distoorka kuma cadda Caadana may ahaan jirin, Waxana ay u baahan tahay in si sharciga waafaqsan uu Goluhu Go’aan uga qaadan doono.”war deee

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com