Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa Oo Saaka Hilib Lagu Cunayo ka dib markii xal laga gaadhay Khilaafkii.

Khilaafkii ka taagnaa Qalista Hilibka lagu cuno Caasimadda Hargeysa, ayaa lasoo gunaanaday, waxana saaka Suuqyada Caasimadda ee Hilibka lagu iibiyaa ku waa Bariisteen Camirnaan iyo Xaalad caadi ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa arrinta dhexdhexaadisay, waxana lagu heshiiyey in lacagtii ay Hiliblayaashu ka cabanayeen waxoogaa Hoos loo dhigay, isla-markaana loo ballanqaaday in kor loo qaado Adeegga Loo qabto dadka xoolaha loo qalayo.

Hilibka oo laba Maalmood ka maqnaa Gebi ahaanba Caasimadda Hargeysa, waxana khilaafku ka dhex taagnaa shirkadda Qalista Xoolaha ee Maandeeq oo kor u qaadday Qiimaha cashuurta ay xoolahaas ka qaadi jirtey iyo waliba Hiliblayaasha iska leh Xoolaha la qalayo.

Arrintan ayaa naruuro u ah Dadka danyarta ah ee Qalista Hilibka ka ganacsada oo maalmo kooban xadhig iyo camal la’aani iskugu darsantay, iyo waliba Shacabweynaha Caasimadda oo Hilib La’aani ku dhacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com