Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cali Gurey oo Rajo xumo ka muujiyey Qabsoomida Shirka Kulmiye

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid,Wax badana ka Og loolanka Xisbiga Kulmiye oo uu Mudo dheer ka Mid ahaa Aasaasayaashiisa ayaa Tilmaamay Sida ay u adag tahay inuu qabsoomo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee lagu dooran doono Murashaxa Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga u Metelaya doorashooyinka soo Socda.

Cali Guray Waxa uu Su’aal geliyay hadiiba ay dhacdo in Madaxweynuhu ka Tanaasulo Murashaxnimadiisa qaabka Murashixiinta lagu kala saarayo,Waxaanu intaas raaciyay in Loolanka Kulmiye uu Saamayntiisa leeyahay loona baahan yahay Sidii la isaga Moosi lahaa.

Cali Guray ayaa qoraal uu ku faafiyey Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayaa u dhignayd Sidan:- “Tolow goorma ayuu KULMIYE ogaan doonaa in aanu jirin Kalfadhi Gole dhexe oo u furmi kara 10/11/2015ka oo mushara madaxwayne uga soo bixi karaa. Hadii aanu xalku noqon in mar labaad uu isa taago Madaxwaynaha laftiisu way adag tahay inu qabsoomo Kalfadhiga la mudeeyay waayo way cadahay in mawqif midsysan aanay xukuumadda Madaxwayne Silanyo ka lahayn oo xataa wasiirada xukuumaddu ku kala qaybsan yihiin kuna kala foq yiin mushara xisbigooda Shakhsiga uu noqon karo ee ugu haboon marka laga reebo madaxwaynaha.

Xaalka KULMIYE wuu murugsan yahay waana la isku wada maran yahay,taas oo sababtu tahay waxay ciyaarayaan ciyaar aan siidhiwale iyo calanwale lahayn ee jaantaa rogan ah. Sidaa daraadeed xataa xubnaha sharciga ah ee Golaha Dhexe waxa suurtogal ah in aan la isla ogolayn hadii aan la raacin liiska magacyada ee Xeer Ilaalintu hayso inta ka joogta ee xaadirka ah. Waxa ka daran hadii ay dhacdo in madaxwaynuhu tanaasulo inta danaynaysa inay isu taagto jagada madaxwaynaha iyo weliba ku xigeen kiisa ayaan tiro ahaan la sugi karin ilaa iyo hadda iyada oo la og yahay in aan cidna laga xigin ee togba taagtii ha rogmo uun tahay.

Kalfadhigu inta aanu gudogelin ajande kale waxa la is waydiinayaa ma waxa uu ansixin Shirguduun kiisii hore oo Jaamac Shabeel baa madasha Kalfafhiga daadihin doona mise shirgudoon cusub ay la dooran doonaa? lama oga waana ka mid arimaha la isku maandhaafsan yahay. Musharaxiintu ma cod hal dheeri ah(simple majority) bay ku soo baxayaan mise badnaanshe buuxa( absolute majority) oo ah wax ka badan kala badh tirada guud(more than half)ee xubnaha Golaha Dhexe.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhibaatada KULMIYE waxa is waydiin mudan ma dhibaato xisbibaa mise ka waawayn oo waxa loo arki karaa inay tahay mid qaran iyo daad ku soo wajahan Somaliland oo u baahan in loo midoobo sidii la isaga moosi lahaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com