Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ayaa caawa go’aan ay ka soo saareen ciyaartii rabashaduhu hadheeyeen ee galabta garoonka Xaaji Daahir Stadium ee Magaaladda Boorame ee dhex martay goboladda Awdal iyo Maroodi-jeex.

KMK

Ciyaartan oo qeybtii hore ku gab0-gabowday hal iyo eber ay ku hoggaaminaysay xulka kubadda cagta ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa qeybtii labaad markii la iskugu soo noqday waxa rikoodhe loo dhigay xulka Gobolka Awdal, waxase diiday oo la dagaalamay garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay xulka gobolka maroodi-jeex arrintaasi oo sababtay inay rabsho ka dhacaan garoonka.

Xoghayaha Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Sacad Maxamed Shire, ayaa Gudgudenews, u warramay ayaa sheegay in saddex dhibcood ee ciyaartii maanta la siiyay xulka Gobolka Awdal, isla markaana wareega labaad ee ciyaaraha laga reebay xulkii Maroodi-jeex oo uu xusay inay la gacan u qaadeen garsoorihii dhexe ee ciyaarta iyo xubno ka mid ah xidhiidhka kubadda cagta, waxaanu tilmaamay in qaarkood ay soo gaadh siiyeen dhaawacyo kala duwan.

“Go’aanka aanu qaadanay waxa weeye in markii garsoorihii koowaad iyo calan wallihii koowaad ay rikoodhe ku qabteen xulka Maroodi-jeex oo ay ciyaartoygii diideen in lagu laago oo ay dagaal gacan ka hadal ah kala horyimaadeen oo ay qaarkoodna dhaawacyo muuqda u geysteen, ka dib waxaanu go’aan ka soo saaray markii aanu sugaynay xulka Maroodi-jeex wakhtigii ciyaarta ka dhinaa. markaa Go’aanka xidhiidhka kubadda cagtu soo saaray waxa weeye in aanu saddexdii dhibcood ee ciyaartii maanta dhex maraysay Awdal iyo Maroodi-jeex lagu wareejiyo gobolka Awdal, sidaasna gobolka Awdal kaga mid noqdo gobolladda u soo baxay wareega labaad,”Ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland.

Sacad Maxamed Shire waxa kale oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ciyaarta dambe ka joojinay inuu ciyaaro oo ganaaxnay Ciyaartoyga magaciisu yahay Fadxi Muuse Maxamed oo ka mid ah ciyaartoyga gobolka Awdal, oo isaguna garsooraha laag la dhacay. waxaanu xidhiidhka kubadda cagtu ka joojiyeen inuu ka qeyb-galo wareega labaad ee ciyaaraha gobolladda ee Hargeysa lagu qaban doono.

Xoghaya Xidhiidhka Kubadda cagta oo aanu weydiinay cida rabshadaha sameeyay inay ahaayeen ciyaartoy iyo inay taageereyaal ahaayeen, waxaanu yidhi “Ma Jiraan wax taageereyaal ah oo garoonka soo galay ma jiraan, waxay ahaayeen Tababarihii, Koonfindhe iyo ciyaartoygii xulka Maroodi-jeex oo dhan.”

Sacad Maxamed Shirre oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ganaaxan culusi uu wax ka bedali doono gal-daloolooyinkii hore uga jiray garoomadda ciyaaraha, waxaanu yidhi “Xidhiidh ahaan horeba way jiri-jirtay inaanu go’aamo soo saarno, haddii gobollada kale dhaqan noocan oo kale ah sameeyaanna waanu ganaaxi doonaa. waliba ciyaarta maroodi-jeex markay tagaan Hargeysa go’aamo dheeraad ah oo la xidhidiha falkii maanta ayaa laga qaadan doonaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com