Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda oo hakisay wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera oo cabsi ka abuurtay Gobolka

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay shalay Berbera u dirtay wefti ka kooban Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, iyo wasiir ku-xigeenka Wershadaha, waxaana soo baxaya inay la shir tageen in la hakiyo go’aankii lagu wareejin lahaa Haamaha Shiidaalka Berbera.

haamahaXukuumaddu war cad kamay soo saarin arrintan hase yeeshee kulamo hoose oo ay wasiiraddani la yeesheen masuuliyiinta Haamaha iyo shirkaddaha Shiidaalka iyo Odayada Gobolka oo dhinac ah ayaa la sheegay inay ku war-galiyeen in wareejinta Haamaha la hakiyey ilaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo noqonayo.

Amarka Hakinta wareejinta Haamaha Shiidaalka ayaa la hadal hayaa in uu ka soo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan saylici, kaasoo la sheegay in uu kala tashaday xaalada ka taagan arrintan Madaxweyne Siilaanyo, kadib na isla waafaqeen in la hakiyo illaa amar danbe.

Wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera ayaa gobolka ka abuurtay xasilooni darro inta badan ka imanaysay amarada ay bixinayeen wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil, kuwaas oo xadhig iyo cagajuglayn isugu daray wariyayaal iyo dad kale oo ay ku eedaynayaan inay kala hor yimaadeen amar diido, hase yeeshee talaabooyinkaasi waxay sii abuureen kicin iyo dareen halis ku noqon kara amniga Gobolka.

Talaabada ay xukuumaddu qaadatay ayaa noqonaysa mid xal u noqon karta xaaladda taagan, isla markaana dajin karta xiisada ka aloosantay gobolka, hase yeeshee wali ma muuqdo dariiq xal waara ka dhalin kara wareejinta Haamaha oo ay Golaha wakiiladdu hore u diideen.

Wasiiradda Gobolka booqday ayaa la filayaa inay maalmahan usii joogi doonaan berbera kulamo dheeraad ah oo ay la sii yeeshaan dhinacyada kala duwan ee daneeyayaasha Haamaha Shiidaalka, gaar ahaan shaqaalaha Haamaha oo iyana lagu soo waramayo inay ka biyo diidsan yihiin xuquuqdii ay Haamaha ku lahaayeen oo ay ka baqayaan in si sax ah loo siin waayo.

WAAHEEN XIGASHO

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com