Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Natiijada Ciyaartii Saaka Boorama Ku Dhex Martay Xulalka Saaxil VS Salal iyo Hawd VS Buuhoodle

Ciyaar xiiso badan oo u dhexaysa xulalka Saaxil iyo Salal ee group B-da ku wada jira ayaa saaka ciyaari sideedii subaxnimo uga bilaamatay garoonka Xaaji Daahir Stadium ee Boorama. Ciyaaraha ayaa markii u horaysay galinka hore la qabtay kadib arrimo amaan darteed, waxaana 10:00 subaxnimo bilaamaysa ciyaar adag oo u dhexaysa Hawd iyo Buuhoodle.

Ciyaarta oo ahayd mid adag islamarkaana labada kooxood ba ka cararayeen inay tartanka ka hadhaan qaybtii horeba koox waliba keensatay hal gool, waxaana qaybtii dambe gool labaad keensaday xulka gobolka Saaxil oo ciyaarta ku hogaamiyay Saaxil 2:1 Salal.

Goolka labaad ee Saaxil keensatay ayaa muran dhaliyay kadib markii xulka Salal goolka ku macneeyeen mid khalad ku dhashay islamarkaana ciyaartoy ka mid ah kuwa Salal uu Nabar afka kaga dhuftay Siidhi wadaha, waxaana sidaasi lagu bedelay siidhi wadihii ciyaarta, muddo kadibna ciyaarta ayaa dib u bilaamatay waxayna ku dhammaatay ciyaartu laba iyo hal, waxaana sidaasi ku soo baxay xulka gobolkak Saaxil, waxaana hadhay gobolka Salal.

Ciyaar adag oo Boorama ku dhex martay Gobolada Hawd iyo Buuhoodle ayaa ku dhammaatay barbar dhac hal gool iyo hal gool ah. Ciyaarta oo bilaamatay 10:00 subaxnimo socotayna ilaa wakhti ku dhaw 12:00 duhurnimo ayaa ahayd mid adag oo awooda ciyaartoygana ay hoos u dhigtay cadceeda kulul. Xilli ciyaarta wakhti yar ka hadhsan yahay ayaa gobolka Hawd keensaday hal gool, balse miriro kadib ayaa gobolka Buuhoodle keensaday goolka Barbar dhaca, waxaana baraajaha ku soo gudbay gobolka Hawd oo afar dhibcood leh, halka Buuhoodle laba dhibcood ka lahaa.
Ciyaaraha Boorama oo soo dhammaaday waxaa wareegga kale ee Hargeysa u soo gudbiy gobolada Gabiley, Awdal, Saaxil iyo Hawd oo iman doona garoonka cagaaran ee Hargeysa, halka Burco ilaa hadda la hubo gobolada Xaysimo iyo Daadmadheedh inay soo baxeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com