Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa soo xero galiyey koox uga firdhatay magaaladda Berbera Hanjabaad ay wasiir ku-xigeenada Wershadaha iyo Xanaanada Xooluhu saxaafadda u mariyeen kadib markii ay ka hor yimaadeen wareejinta Haamaha Shiidaalka.

warancade555

Ilo wareed u dhuun daloola kulamo Cali Warancade iyo Wasiirka Ganacsigu la yeesheen dadweynaha iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa sheegaya in uu Cali Warancade habeen hore ku hanjabay haddii ay soo xeroon waayaan kooxda magaaladda ka maqan oo loo tirinayey inay buuraha galeen in Xukuumaddu talaabo ka qaadan doonto.

Hadalka Warancade ayaa la sheegay in uu uga gol lahaa muhiimada ay leedahay inay kooxdaasi soo xareeto, waxaanu xusay Amniga magaaladda Berbera inaanay xukuumad ahaan doonayn in uu xumaado, sidaas daraadeed loo baahan yahay inay magaaladda ku soo noqdaan kooxdaasi.

Wararka ka soo baxaya Berbera ayaa sheegaya in ay isla maantaba soo noqdeen kooxdaasi oo hore uga firdhatay xadhig ay la maaganayeen labada wasiir ku-xigeen ee gobolka ka soo jeeda, kaasoo ay Booliiska iyo Maxkamaddu ba ka diiday.

Soo galitaanka kooxdaasi ayaa la sheegayaa inay dajinayso xiisadii ka aloosnayd Berbera iyo Haamaha Shiidaalka, waxaana la filayaa in ay xukuumaddu wareejiso Haamaha haddii arrintaasi soo af-jaranto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com