Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u tartamaysa in loo doorto musharaxa KULMIYE ee doorashooyinka 2017 ayaa balan qaaday inuu u hoggaansami doono natiijada golaha dhexe ku kala saari doono murashixiinta tartamaysa.

muuse biixi(11).jpg

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa shalay Hotelka Ambasador kulan taageero ah kula yeeshay 12 ka mid ah 18-ka xubnood ee golaha dhexe ee Kulmiye ugu jira bulshada degaanka koonfurta bari ee Hargeysa, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada Cumar-sayid Cabdillaahi.

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa ugu horayn yidhi “Tartanka Kulmiye marka si loo eego waa iska yara mucjiso! Waayo waxa iska soo sharaxay waa wada Ilmaaadeer laakiin dee nasiib wanaag abtinimadii ayaan dheeraaday,”

Isagoo la hadlaya reer KULMIYE,

wuxuu Muuse Biixi yidhi, “Reer Kulmiye ayaan la hadlayaa, xisbiga guddoomiyihiisii baan ahay, odaygiisii baan ahay, raadkii Odaygeenii hore ayaynu raacaynaa, in xisbiga la isku hayo, in xisbiga laga ilaaliyo wixii duul-duul ah, haddii la tartamayo in tartanku hufnaado mar walba, inaynu wax walba ka hor marino xisbi nimada.”

Guddoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “ Waa inaynu ka fikirno in Kulmiye noqdo sida xisbiyada qaar mid boqolaal sanno jira oo jiilba jiil ka dhaxlo. Maaha Kulmiye Kursigaan ku gaadhayaa oo Kursigaan u soo doonanayaa ma noqonayso. Kulmiye wuxuu ka joogaa halgan hore, mustaqbal dheer buu leeyahay. Kulmiye way ka reeban tahay nin doonayaa inuu kursiga ku fuulo ama u soo doonta inuu Kursi ku fuulo.”

Ugu dambayn wuxuu balan qaaday inuu aqbalayo go’aanka uu gaadho golaha dhexe,

“Haddii golaha dhexe I doorto iyo hadduu I yidhaa sanadka iska joog iyo hadduu I yidhaa iska sii fadhi iyo hadduu I yidhaa waligaaba iska joog waxaa mar walba igu waajib ah inaan sharciga xisbiga u hogaansamo, inaan xisbiga isku hayo, inaan mustaqbalka xisbiga eego, taas baa aniga iga go’an,” ayuu yidhi guddoomiyaha Kulmiye.
GEESKA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com