Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mu’caaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro , ayaa shalay kullan ay albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay Guddoomiyayaasha Xisbiga WADDANI ee lixda gobol ee ugu weyn somaliland

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mu’caaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro , ayaa shalay kullan ay albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay Guddoomiyayaasha Xisbiga WADDANI ee lixda gobol ee ugu weyn somaliland,kaasoo ka qabsoomay guriga uu Guddoomiye cirro ka degan-yahay Magaalada Hargeysa. Kullankan oo ahaa mid al-baabadu u xidhanyihiin ayaa waxa shir Guddoominayey Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxaanu Guddoomiye Cirro ka dhegeystay war-bixino kala duwan guddoomiyeyaasha xisbiga WADDANI uga wakiilka ah gobolada Sanaag, Sool, Awdal,Saaxil,Togdheer, Maroodi-jeex, kuwaas oo la xidhiidha hawlaha kala duwan ee xisbiga WADDANI, iyo xaalada kala duwan ee gobolada ay ka yimadeen iyo degmooyinka. Guddoomiye Cirro oo madasha ka haddlay ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaasha Xisbiga WADDANI hawsha wanaagsan ee Xisbiga u hayaan, isla markaana ku hambalyeeyay guulaha ay gaadheen, waxaanu ku booriyey inay sii laban labaan shaqadooda, isla markaana wuxuu ku dardaaray inay isku xidhnadaan xaalad kasta.

Dhanka kalen kullanka ay yeesheen Guddoomiye Cirro iyo Guddoomiyayaasha Xisbiga WADDANI ee gobolada dalka ugu waa weyn, ayaa ku soo beegmay xili maalintii Shalay Xisbiga WADDANI Magaalada Hargeysa ku soo bandhiga baraamaaij siyaasadeedkiisa uu ku gelayo doorashada fooda inagu soo haysa ee 2017.

One Response to Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mu’caaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro , ayaa shalay kullan ay albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay Guddoomiyayaasha Xisbiga WADDANI ee lixda gobol ee ugu weyn somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com