Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

UCID waa xisbiga kali ah ee Somaliland ee si ay ka tahay ba mooyee gudoomiyihiisu ku yahay carqalada ugu weyn ee haysata, halkii uu ahaan lahaa ka hogaanka wanaagsan ku hoogaamiya, kana faa’iidaysta wakhtiga iyo waayaha jira ee siyaasada Somaliland

Taariikhda xisbiga UCID oo ay ku suntan tahay guuldaro siyaasadeed oo gudoomiye Faysal Cali Xuseen (Cali-Waraabe) tirba 2 jeer ku hooyey kadib markii uu cod ku filan heli waayey labadii doorasho-guud ee uu galay, waxa la filayey in gudoomiye Faysal u tafo xayto sidii UCID u meel mari lahaa wixii ka dambeeyey guuldaradii ka soo gaadhay doorashooyinkii hore ee uu isagu musharaxa ka ahaa iyo intii uu heshiiska la galay musharaxiinta uu maanta sida muuqata dib ugu damcay musharaxnimadii uu meel fagaara ah ku dhiibay, kuna aqbalay in uu ku ku dhiibay, kuna aqbalay in uu ku taageero.

Waxa iska cad in xisbiga UCID yahay ka ilaa hadda ugu liita habka nidaam ee xisbi mucaarid lee yahay, waxa u dheer UCID waa xisbiga kali ah ee Somaliland ee si ay ka tahay ba mooyee gudoomiyihiisu ku yahay carqalada ugu weyn ee haysata, halkii uu ahaan lahaa ka hogaanka wanaagsan ku hoogaamiya, kana faa’iidaysta wakhtiga iyo waayaha jira ee siyaasada Somaliland dadka ka faaloodaa sheegayaan in UCID yahay xisbi fursad aan hore u soo marin maanta ay hortaal haddii uu musharaxiintiisa 3dii sano ee ugu dambeeyey la ogaa xoojiyo, mujiyana in uu ugu weyn yahay xisbiyada Somaliland kan UCId

Taariikhda xisbiga UCID oo ay ku suntan tahay guuldaro siyaasadeed oo gudoomiye Faysal Cali Xuseen (Cali-Waraabe) tirba 2 jeer  ku hooyey kadib markii uu cod ku filan heli waayey labadii doorasho-guud ee uu galay, waxa la filayey in gudoomiye Faysal u tafo xayto sidii UCID u meel mari lahaa wixii ka dambeeyey guuldaradii ka soo gaadhay doorashooyinkii hore ee uu isagu musharaxa ka ahaa iyo intii uu heshiiska la galay musharaxiinta uu maanta sida muuqata dib ugu damcay musharaxnimadii uu meel fagaara ah ku dhiibay, kuna aqbalay in uu ku taageero.

Gudoomoiyuhu sida muuqata kama baran wax cashar ah sida uu u hogaamiyey xisbiga mudadii uu jiray, hase ahaatee sanadkii 2012-kii markii ay ka dhacday rusqadii xisbinimo ee uu ku hogaamiyey ka hor, waxa u cadaatay in aanu UCID noqon karin xisbi qaran mar kale haddii uu isla gudoomiye Faysal noqdo musharaxa xisbiga, isla markaana dhiig cusub ku soo kordhin,  waayo inta aanu galin olole dambe waxa horyaalay carqalad ah heerka taageero oo liitay iyo xisbiga oo urur noqday ka sokow uu go’ay garb weyn oo aanu ka marmi karin mar kale oo uu galo loolan adag oo waliba xisbiyo cusubna la furay, waliba isagoo ay UCID ku dhacaday dhambalan weyn oo uu ku keenay abuurankii ururkii saaxiibkiisii mudada dheer garabkiisa taagnaa uu ku dhawaaqay ee Waddani, oo halistaa koobaad ku ahaa in uu halkiisii galo, imikana ku ah halis in uu hogaanka qaranba kaga guulaysto sidaa uu yahay UCID.

Gudoomiye Faysal, isagoo taana og waxa u ogolaaday gurmad la odhan karo waxa uu ahaa mid uu Rabbi u soo diray, gurmadkaasi waa kii Urur-(kii) Cadaalada Iyo Daryeelka ee xisbinimadii ka dhacday ay dib ugu soo nooleeyeen xubnihii cusbaa ee ku soo biiray ururkii UCID, kana soo saaray dalcad adag oo siyaasadeed oo aanu kaga gudbeen gudoomiye Faysal oo dadku og yihiin inuu isagu yahay musharaxa mar saddexaad u taagan. Gurmadku waxa uu uga yimid burburkii UDUB oo ay ka soo dhambalmeen, Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan oo hore u qorshaystay in ay xisbigaas dib u nooleeyaan iyo xubnihii ku wehelinayey ee heshiiska la galay shirwayhii 5aad  iyo meel marintii heshiiskii bishii July ee ansixiyey musharaxnimda Jamaal Cali Xuseen.

Heshiiskii 12kii July sanadkii 2012-kii waxa Jamaal Cali Xuseen uu xisbigan la galay heshiis afar qodob ah oo ay ku jirtay qodob u jidaynaya inuu isagu soo xusho murashaxiisa Madaxweyne-ku -xigeenka isla markaana uu magacaabo Xoghayaha iyo Guddoomiye ku xigeenka 3aad. Halka Faysal Cali Waraabe-na uu sii ahaan doono Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Heshiiskii ay galeen maalintaa oo ay kala saxeexdeen Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe waxa uu u dhignaa sidan:

UCID

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Shabcaan, 1433 Hijrada, kuna beegan
12-ka July 2012 waxa magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland heshiis ay ku midoobayaan labada dhinac ee kala ah:

Xisbiga Qaran ee Cadaalada iyo daryeelka (UCID) oo dhinac ah, iyo
dhinaca kale oo ah garabka UDUB ee uu hogaaminayo Md. Jamaal Cali Xuseen, oo go’aansaday inay Xisbigoodi ka soo baxaan, lana midoobaan Xisbiga UCID. Heshiiskan labada dhinac ku midoobeen waxa u jeedadiisu tahay in
Xisbiga Qaran ee UCID la balaadhiyo, lana xoojiyo oo la isugu keeno inta baddan aqoonyahanka iyo wax-garadka Somaliland, jidkana loogu xaadho sidii uu Xisbigu u xaqiijin lahaa u-jeedadii horaantiiba loo asaasay oo ahayd inuu hogaanka dalka hanto, soona saaro hogaamiyayaal lexejeclo ka hayso oo da’ayar, karti iyo aqoona leh oo danaha ummadda u istaaga.

Xisbiga UCID oo taariikh dheer ku leh nabadeyntii Somaliland, iyo abuurista iyo taabogelinta dimuqraadiyada waddanka ka hano-qaaday, waxa uu qaranka u sheegayaa inuu taagan yahay, heegana u noqon doono, wax kasta oo danta Somaliland ku jirto.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska labada dhinac gaadheen waxa uu u
dhignaa sidan:

1. Labada dhinac waxay isla garteen, in tirada golaha dhexe la
balaadhiyo oo la dhigo 251-xubnood. Tiradaas waxa loo kala yeelan doonaa: 100 xubnood oo Xisbiga UCID ah, 100 xubnood oo ay yeelan doonaan garabka cusub ee ka yimid UDUB iyo 51 kayd ahaan doona. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla
meel dhigeen in dhamaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qeybsadaan.

2. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen, iyada oo laga duulaayo xeerkii cusbaa ee lagu ansixiyey shirweynihii Xisbiga UCID ee saddexaad, kaas oo dhigayey in la kala saaro guddoomiyaha Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweynanimada ee xisbiga, sidaa daradeed waxa la isla gartey inuu Md. Jamaal Cali Xuseen uu yahay murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga UCID uga qeybgalaya doorashada madaxtooyada ee qorsheysan inay qabsoonto sanadkan 2015 Mudane Jamaal, isaga oo la tashanaya guddoomiyaha Xisbiga wuxuu dooran doona murashaxa u tartami doona xilka madaxweyne kuxigeenka.

3. Labada dhinac waxay heshiiskan ku xaqiijinayaan, in hogaanka Xisbiga ee uu hormuudka uu yahay guddoomiye Faysal Cali Xuseen,ee lagu doortey shirweynihii Xisbiga ee saddexaad ay sidooda ahaanayaan. Waxa ku soo kordhaaya hogaanka Xisbiga labada xubnood oo kala ah Xoghayaha guud ee xisbiga iyo guddoomiye kuxigeenka saddexaad oo ka iman doona garabka cusub ee Jamaal Cali Xuseen.

4. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgeliyo, guddi qabanqaabo oo ka shaqeysa qabsoomida Kal-fadhigaAfraad ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn. Shirka Golaha dhexe iyo shirweyanaha Xisbigu waxay ansixin doonaan dhamaan-ba qodobada heshiiskan, Sidoo kale waxay maal marinayaan wixii kaabis iyo wax ka bedel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee Xisbiga UCID.”

Heshiiskaa maalintii gudoomiye Faysal qalinka kula duugay Jamaal Cali Xuseen oo ay markhaati ka ahaayeen labadii dhan ee xisbiga UCID ku midoobay oo maalintaas si farxad iyo rajo galin UCID ah muujiyey, hadalkii uu gudoomiye Faysal ku qaabilay heshiiskii iyo musharaxnimadii Jamaal Cali Xuseen waxa ka mid ahaa haddii sidiisii loo soo qaato:

“Anigu markii aan siyaasadda galay waxaan ahaa 45 jir, maantana waxaan haab-haabanayaa lixdankii. Waxaan rajaynayaa inaydaan Jamaal-na intaasi gaadhsiin oo inta dhalinyarada yahay ee uu tamarta iyo maskaxda hayo aad doorataan oo aydaan dhigin halkii aad aniga I dhigteen,” oo uu yidhi gudoomiyaha xisbiga UCID.

Sidoo kale musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa kaga jawaabay sidan:

“ALLE ha u naxariistee Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal intii aanu hamigiisii siyaasadeed ka midho-dhalin wuxuu ka baxay sadex xisbi, anigu waxaan ka baxay uun hal xisbi. Waxaan idiin sheegayaa Faysal Cali Waraabe waa nin nadiif ah, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan wax lacag ah la iga qaadin oo aan la igu xidhin hal Dollar..

Waxaan Rajaynayaa inaanan xisbiga ka bixin oo uu noqdo xisbi midho dhala,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

Waa xiligii Cirro ka guurin heshiiskii uu kaga baxay awgii

 

 

 

 

 

 

 

 

 

UCID Cabays

 

 

 

 

 

 

 

 

Xisbigii sidaa ahaa mudo 3 sano ah, balse intaa la maqlayey hugunka iyo hoos u guuxa gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa hubaal ah in wax iska badaleen dhanka gudoomiye Faysal. Dadka ku dhadhow ee xidhiidhka tooska ah la leh gudoomiye Faysal, waxa ay ii sheegeen in doorkan uu galay damac weyn oo uu is tusay in haddii uu mar kale si kastoo ay u dhacdaba iska soo sharaxo xisbiga UCID uu guulaysano.

Sida Faysal laga soo xigtayna waxa uu yidhi  “Ka warama anigoo maanta Muuse iyo Cirro la tartamaya, sow ka heli maayo” Tani waa astaan muujinaysa in uu damac weyni galay, hase ahaatee gudoomiye Faysal sida hadaladiisa ka muuqda waxa uu u badheedhayaa jabin heshiisyadii uu hore u galay, marka uu lee yahay “Heshiisku ma ayaado Quraan baa”

 

Markase xaqiiqada laga hadlayo talaabadii uu qaaday musharax-ku-xigeen ee sida deg dega ah isku casilay, C/rashiid Xasan Mataan, wax ay rajo galisay damaca uu qabo gudoomiye Faysal, waxaana astaan u ah markii wax laga weydiiyey jawaabtii u bixiyey ee uu yidhi “……ha na dhaafo salaatul shukri baanu tukanaynaaba…”

Hase ahaayee waxa dhanka kale isaguna culays ku keenaya mawqifka adag ee uu istaagay musharax Jamaal Cali Xuseen ee uu kaga jawaabay hadalkii uu ka yidhi Hargeysa gudoomiye Faysal intii aanu u ambo bixin dalka Koongo oo uu sheegay in lagu tartamayo musharaxnimada UCID, hadalkaas oo ka uu ku salaysan yahay khilaafka haatan dilaacay.

Sida ilaa hadda muuqatana, waxa khilaafka UCID maanta dibada u yaal ee bulshada codaysaa si weyn ula socotaa in  UCID ku suntamayo xisbi gudoomiyihiisii,  Faysal Cali Waraabe,  xisbinimo loolan siyaasadeed galaya oo doorsho doon ah ahayn balse uu gudoomiyihiisu yahay ka la hadhaya, khilaafka uu horsseedka ka yahayna aanu meel gaadhsiin karin UCID. Dhanka kale uma fududa musharax Jamaal Cali Xuseen sida uu ula muuqdo Faysal oo moodaya in sidii oo uu ‘Hangool’kiisii nabadeed u dhiibtay goortuu doono ka qaadan karo, sidoo kalena heshiiskii uu galay oo uu ka baxaana waa astaan muujinaysa in gudoomiye Faysal laba mid uun ku sifoobi doono, b) in uu UCID u haysto sidii hay;ad yar oo uu isagu leeyahay, kuu doona eryi karo, kuu doonana saari karo. t) Iyo in damac uu qabaa jar ka ridayo hore uga badbaaday UCID markii garabkii UDUB ee Jamaal Cali Xuseen hor kacayey ka badbaadiyeen, waayo garabkaasi waa ka uu hadda xaqoogii dafirsan yahay.

Waxase aan ku soo gunaanadayaa qormadan weydiinta ah ‘Waa yaabe xisbiga UCID gudoomiyihiisu sidani ma ka damac baa mise waa ka damiir?’ Jawaabtu waxa ay soo bixi marka uu dhan u dhaco xaalka cusub ee xisbiga UCID galay, nin la sugayoow, adna yaad sugi!

 

La soco qoraal kale oo aan hoos ugu sii dhaadhayo sobobaha Faysal keenay in uu UCID halkaa keeno iyo aragtida uu qabo wixi ka dambeeyey shirkii Kulmiye ee Muuse Biixi lagu doortay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com