Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hogaanka sare ee Urrurka Hiliblayaasha NAFAQO, ayaa raaligelin buuxda ka bixiyay war qoraal ah oo si khaldan ku baxay oo lagu faafiyay qaar ka mid ah Wageysyada maxaliga ah ee mareegaha wararka

Hogaanka sare ee Urrurka Hiliblayaasha NAFAQO, ayaa raaligelin buuxda ka bixiyay war qoraal ah oo si khaldan ku baxay oo lagu faafiyay qaar ka mid ah Wageysyada maxaliga ah ee mareegaha wararka, oo ay ku saxeexnaayeen xubno ka mid ah Urrurka NAFAQO, kaas oo si qalafsan fariin ugu diray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, iyo Maayarka caasimada Hargeysa. iyaga oo sidoo kale War saxaafadeedkan si xushmad leh codsi arrimaha Urrurkooda khuseeya ugu diray madaxda kor ku xusan, sidaana waxa ay ku sheegeen war qoraal ah oo kooban oo saxaafadda loogu tallo-galay, oo ay si wadajir ah ugu saxeexan yihiin Guddoomiyaha Urrurka NAFAQO, Maxamuud Xasan Cali (Guray), Guddoomiye ku xigeenka Urrurka Canab Jaamac Xasan, Iyo Xoghayaha
HILB LAYAASHA

Guud ee Urrurka NAFAQO, Maxamaed Cabdi Maxamuud (Foorastari), oo goor dhawayd nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay xafiiska wararka ee shabakadda caalamaiga ah ee Hadhwanaagnews, ee Hargeysa. War saxaafadeedkan qoraalka ah oo dhamaystiraninna waxa uu dhiggnnaa sidatan,

 

”Anaga oo ah hogaanka sare ee Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, kunna hadlayna magaca Urrurka, waxaanu si wadajir ah oo qadarin leh raaligelin uga bixinaynaa war dhawaan si khaldan ku baxay oo lagu faafiyay qaar ka mid ah Wargeysyada maxaliga ah ee dalka iyo mareegaha wararka qaarkood, oo ay ku saxeexnaayeen xubno ka mid ah Urrurka NAFAQO, kaas oo ay si qalafsan oo adag fariin ugu direen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md Cali Maxamed Warancade, Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Iyo Maayarka caasimada Hargeysa, Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), sidaa daradeed, waxa aanu si buuxda uga raaligelinaynaa madxadan sharafta leh warkaa sida khaldan u baxay ee xanbaarsannaa fariinta qalafsan. maadaama ay masuuliyiintan madaxda ahi nagga mudan yihiin qadarin iyo maamuus gaar ah, sidoo kalena ay nagga dhaxayso wadashaqayn fiican oo aanu mar walba ugu hayno ixtiraam buuxa.

 

Sidoo kale, annaga oo ka duulayna kalsoonida buuxda iyo ixtiraamka wadaniyada iyo wadashaqaynta ku dhisan ee aannu hayno madaxdan sharafta leh, waxaanu mar kale si xushmad leh wadaniyadi ku jirto uga codsanaynaa masuuliyiintan sare gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somalialnd, Md Cali Maxamed Warancade, in uu fuliyo hawshii iyo ballantii aanu mudadda ka sugaynay ee Wasiirku  ku ballan qaaday in uu si dhakhso ah guddi ugu saarayo xalinta khilaafka ka dhaxeeya Urrurka hiliblayaasha NAFAQO, iyo Shirkadda MAANDEEQ, oo muddo soo jiitamayay, sidaa awgeed, Mudane, Wasiir, adiga eegaya wadashaynta wanaagsan ee innaga dhaxaysa kalsooni buuxdana kuu hayna, mar walbana u hogaansanayn immikana u hogaasan awaamiirtiina, waxaanu kaa rajaynaynaa in aad sida dhakhsaha badan u dardargelin doonto fulinta ballantaas aad hor u qaaday.” ayaa lagu soo gabagabeeyay war saxaafadeedkan qoraalka ah ee ay ku saxeexan yihiin hogaanka sare ee Urrurka Hilaiblayaasha NAFAQO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com