Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh Aadan-Sunne oo u jawaabay Madaxweynaha Killalka 5aad oo Farta ku fiiqay Al-Shabaabta Qarsoon

“Maddarasadaha uu u jeedo (Madaxweynaha Killalku) Hargeysa koow bay ka tahay, waxaanan xog ku hayaa kuwii agtiisa (Maddarasadihii) beri hore ayuu u tashaday oo Midh xor ahi kama hadhin oo waxa loo wada dhiibay Firqatul-Xabuush…” Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne)
SHEEKH AADAN-SUNNE

SHEEKH AADAN-SUNNE
MADAXWEYNAHA SOOMAALIDA ITOOBIYA CABDI MAXAMUUD CUMAR

MADAXWEYNAHA SOOMAALIDA ITOOBIYA CABDI MAXAMUUD CUMAR

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay hadal uu Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ku sheegay inay jiraan Madaariis lagu dhigo Fikirka ay aaminsan yihiin kooxda Al-shabaab isla-markaana ay tahay in la baa’biiyo.

Sheekh Aadan-Sune oo ka hadlay arrintan sida lagu baahiyey Shabakadda Raadraac.com, ayaa daba socday hadalka uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ku weeraray Maddarasadaha uu sheegay in lagu dhigo Fikirka Al-shabaab, ayaa eedaymo ugu jeediyay Madaxwaynaha Kililka Shanaad ee Itoobiya.

Waxa uu Aadan-Sunne oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi; “Geeska Afrika ka warran baa lagu yidhi (Madaxwaynaha Kililka Shanaad) markaasuu yidhi Geeska Afrika Cadow kaliya ayuu yeeshay, Cadawgaana idinku Al-Shabaab baad tidhaahdaan ee anigu Qushaash baan u aqaannaa’ ayuu yidhi. Laakiin, waxaan leeyahay haddaad adigu Qushaash tidhi Gaalada iyo Xabashidu waxay yidhaahdaan Al-Shabaab oo way ku Af-dhaamaan.”

Madaxweynaha Kililka Shanaad ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waraysigaas uu bixiyey ku sheegay inaanu Al-Shabaab u aqoonnin keliya inta hubaysan ama qoryaha sidata, balse ay jirto Al-Shabaab qarsoon oo aan dadka u wada muuqan. Waxaanu Madaxweynuhu xusay in Maddaariista Diiniga ah (Malcaamadaha) qaarkood lagu dhigo fikirka Al-shabaab.

Sheekh Aadan-Sunne oo hadalkaas Madaxweynaha si toos ah uga jawaabayaa, waxa uu yidhi; “Wuxuu yidhi (Madaxweynaha Killilku) ninka qoriga haysta ee isqarxinaya dhib malaha oo mar baannu dili doonnaa, laakiin dhibta weyni waxay ka taagan tahay buu yidhi Maddaariska Diiniga ah ee fikirka Al-Shabaab soo saara. Maddarasadaha uu u jeedo Hargeysa kow bay ka tahay, waxaanan xog ku hayaa kuwii agtiisa (Maddarasadihii) beri hore ayuu u tashaday oo Midh xor ahi kama hadhin oo waxa loo wada dhiibay Firqatul-Xabuush.”

Sheekh Aadan-Sunne waxa uu tilmaamay in hadalka uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ee ahaa wax ha laga qabto Maddarasadaha uu sheegay in lagu dhigo fikirka Al-shabaab ay u fahmayaan inuu ku baaqayo in la xidho Maddarasadaha. “Wax ha laga qabto Maddarasadaha waxaannu u fasiranaynaa halla dabar-gooyo oo albaabada halla isugu dhufto.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Sunne.

Xigasho Wargeyska Himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com