Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Fashilaada Beelaysan Ee Ku Qarsoonayd Shirkii Safiirada Somaliland, Iyo Saamaynta Ay Ku Yeesheen Siyaasada Khaarajiga

Waxa sabtidii toddobaadkan aynnu ku jirno caasimadda Hargaysa ka furmay Shir ay iskugu yimaaddeen Safiiradda somaliland u fadhiya dalalka caalamka, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Kulankan oo socday muddo shan maalmood ah, waxa ka hadlay ujeedadiisa Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, waxaannu ku sheegay in qiimayn iyo qaabayn lagu samaynnaayo Siyaasadda arrimaha dibadda iyo in la kala war qaato oo safiirradu is bartaan la is xogogaal waraysto qaabka ugu habboon ee loo qaabayn karo siyaasadda wasaaradda khaarajiga Somaliland.

Kulankaasi waxa dhabta ah ee uu daarannaa waxay ahayd “Qawda ma qashii wax-nna ha u qaban”,

waxaanna looga dan lahaa in bulshadda la yar tuso amaba la maqashiiyo Safiirro ayaa meel iskugu yimid oo ka shirraaya siyaasadda khaarajiga Somaliland iyo dariiqa ugu habboon ee loo mari karo, arrintaasi waxay ahayd mid dhalanteed ah oo indho sarcaad ah oo Wasiirka cusub ee dhawaan wasaaraddaas loo magacaabay doonnaayay innuu isku iib geeyo. Siyaasadda somaliland wax-ba ku kordhin mayso dhawrcisho oo lagu kharash garreeyo adduun ay ummaddani ka bakhtiyayso oo maalin-ba nooc iyo qaab cusub loo lunsannaayo.

Shirkaas shanta maalmood u socday Safiirrada somaliland u jooga dalalka caalamka iyo Wasaaradda khaarajiga Somaliland waxa lagu sheegay in lagu qaabaynnaayo siyaasadda arrimaha dibadda somaliland, ha yeeshee waxa uu ahaa shir lagu qaabaynnaayo qabyaaladda Somaliland, haddaad  u fiirsato nimankii meesha fadhiyay ee sheegannaayay inay yihiin Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka kale ee adduunka waxay ahaayeen niman laba Qoys ka soo jeedda oo marka hore qaab qabyaaladdeed lagu wada geeyey Xafiisyada ay ku magacaaban yihiin, manna jiraan shaqo ay u qabtaan Somaliland, marka laga reebo kala qaybinta iyo iska horkeenka jaaliyaddaha reer Somaliland ee ay la nool yihiin, waxaannay xafiisyaddaasi qayb ka yihiin musuqmaasuqa baahsan ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku addeegato, waxaanna xafiisyaddaasi lagu lunsaddaa kharasshadaad badan oo somaliland u baahan tahay, wax waynna qaban lahaa haddii meelo uga baahi badan la gelin lahaa.

Sidoo kale waxa xusid gaar ah mudan safaaradda ugu weyn uguna muhiimsan uguna dhaqaalaha badan safaaradaha ay Somaliland, ku leedahay dalalka dibadaha oo ah ta ay Somaliland, ku leedahay dalka Ethiopia, oo ay Safiir iyo safiir ku xigeen ka yihiin laba masuul oo isku beel hoose ka soo jeeda, waxa intaa u sii dheer, aqoon-darro dhinaca dublamaasiyada ah oo u dheer safiiradda sida qabyaaladaysan uu Madaxweynuhu u soo magacaabo, waxaana shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qaranka u hayeen hadheeyay isqabqabsi iyo isku dhac joogto ah oo hagaasiyay habsami u socodkii hannankii shaqo ee qaranka ugu fadhiyeen dhinac walba, taas oo hoos u dhiggtay himilooyinkii iyo hayaankii dublamaasiyadeed, Ictiraaf raadineed, ganacsi, iyo Amni ee siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

One Response to Fashilaada Beelaysan Ee Ku Qarsoonayd Shirkii Safiirada Somaliland, Iyo Saamaynta Ay Ku Yeesheen Siyaasada Khaarajiga

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com