Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Culayska Haysta Tababaraha Man United, Kabtankiisa Oo Baaq Diray, Xaalad Kooxda Chelsea Iyo Tababaraha Liverpool Oo Ka Hadlay Kooxda Leicester

Culayska haysta tababaraha kooxda Manchester United Louis Vangaal ayaa sii kordhaya iyada oo ay ku soo fool leeyihiin laba ciyaarood oo aad u adag kuwaas oo haddii uu guulaysto u saamixi kara inuu haysto shaqadiisa.

Kooxda Manchester United ayaan wax guul ah gaadhin lixdii ciyaarood ee ugu danbeeyey dhamaanba tartamada ay ku jirto, iyada oo guul darooyinka la soo darsay ay keeneen inay ka hadho  tartanka qaaliga ah ee ay ku  kulmaan kooxaha ugu awooda qaarada Yurub ee Champion Leage, halka ay ka dhaadhacday afarta kooxood ee ugu sareeya horyaalka ingiriiska.

Hadaba kabtanka kooxda Manchester United Wayne

Rooney  ayaa ciyaaryahada kooxdiisa ugu baaqay inay sameeyaan dedaal fara badan si ay culayska u yareeyaan tababarahooda qarka u saaran in shaqada laga eryo.Kabtan Rooney oo la hadlay  Sky Sports ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “todobaadyadii u danbeeyey natiijooyinkii aynu helnay inoomay wanaagsanayn waa inaynu noqonaa kuwo xoogan oo isku duuban si aynu u helno natiijada aynu u baahanahay,  dad badan ayaana k a hadlaya waxyaalaha ay aaminsan yihiin oo dhici kara, laakiin marka xaqiiqda loo tago cidna ma oga wixii dhici doona, waa inaynu si adag u shaqaynaa.”

Kabtanka kooxda Manchester oo hadalkiisa sii wata ayaa u soo jeediyey in loo dagaalamo sidii shaqada u sii wadan lahaa tababarahoodu waxaanu yidhi “waa inaynu si adag u shaqaynaa waana inaynu u dagaalanaa sidii aynu tababaraheena iskugu dayi lahayn inuu xili ciyaareedkan oo dhan kooxda Joogo, waana muhiim inaynu taas ka wada hawl galno.”

 Kooxda Chelsea Iyo Waayaheeda

Ka dib markii shaqada laga eryey tababarihii hore ee kooxda haysta horyaalka dalka Ingiriiska ee Chelsea, qaar ka mid ah ciyaaryahanadii caalamiga ahaa iyo taageerayaasha ayaa aragtidooda ka dhiibtay sida ay u arkaan xaalada kooxda Mourinho ka dib.

Taageerayaasha Kooxda Chelsea ayaa rayi ururinta laga qaaday waxay ku sheegeen inay wanaagsanayd in shaqada loo daayo tababarihii kooxdaasi, taas badalkeedana talaabo laga qaado qaar ka mid ah ciyaaryahada oo ay sheegeen inay ka soo horjeedsadeen shaqada uu tababare Mourinho kooxda u hayey.

Dhinaca kale qaar ka ah ciyaaryahanadii waa weynaa ee kubada cagta caalamka soo maray oo kala ahaa David oo u soo ciyaaray kooxda  Reading,  Lewis oo u soo ciyaaray kooxda  Manchester, Sparky oo u soo ciyaaray kooxda  Vancouver,Chunk oo u soo ciyaaray kooxda  Liverpool ayaa dhamaantood aragtiyo kala duwan ka bixiyey shaqada laga eryey tababarihii kooxda Chelsea, balse way ciyaaryahanada kooxdaasi ugu wada baaqeen inay ilaashadaan kooxdooda.

Tababaraha Liverpool Oo Ka Hadlay kooxda Leicester

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka kooxda la qaban la yahay ee haysa hogaanka dalka Ingiriiska ee Leicester waxaanu yidhi “ugu dhawaan waxay u ciyaareen si fiican, iyaga oo si deg deg ah u qaadayey weeraro kadis ah.” Ayuu yidhi tababare Jurgen Klopp oo ka hadlayey shirkiisii jaraa,id ee salaasadii uu qabtay.

Waxaa uu yidhi isaga ka sii hadlaya kooxda Leicester “waxaan u hayaa xushmad weyn kooxda Leicester iyo tababarahooda Ranieri iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee kooxda, tababarahooduna waxa uu ma igu soo booqday xaruntii tababarka ee kooxdii Borussia Dortmund  xili ciyaareedkii ugu danbeeyey, waanu xiiseeyaa inuu la hadlo dadka aniga oo kale ah.” Ayuu yidhi tababare klopp.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com