Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Khamiis Ah.

Shabkada baligubadlemedia oo saka isha soo wada marisay wargesyada ingariiska waxa ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyada tobaadkan .

Wargeysyada

Chelsea ayaa 40 milyan ginni ku dalbatay xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos. Xiddiga Jarmalka ayaa ah xiddig si weyn loo doonayo iyadoo Manchester United iyo Liverpool ay sidoo kale doonayaan inay keenaan Premier League.

Wakiilka ciyaaryahan Ezequiel Lavezzi ayaa xaqiijiyay inay wadahadalo kula jiraan Chelsea si ay u la wareegto weeraryahanka. Xiddiga PSG ayaa u muuqda mid ka tagaya caasimada dalka Faransiiska.

Louis van Gaal ayaa wajahaya kulankiisii ugu weynaa ee waayihiisa Manchester United marka ay axada Anfield ku wajahaan Liverpool iyadoo madaxda kooxda ay walwal ka qabaan inay u soo bixi waayaan Champions League.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Guus Hiddink ayaa ka fiirsanaya inuu bishaan u dhaqaaqo weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy iyo xiddiga aan kooxda laheyn Emmanuel Adebayor.

 

Stoke City ayaa isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka West Brom Saido Berahino, waxaana ay aaminsan yihiin inay saxiixiisa ku garaaci karaan kooxda Tottenham.

Xiddigii hore ee Old Trafford David May ayaa sheegay in Gareth Bale uusan marnaba ku biiri doonin kooxda Manchester United ee Louis van Gaal xitaa hal milyan sanno.

 

Weeraryahanka PSG Ezequiel Lavezzi ayaa u soo muuqday weeraryahankii ugu danbeeyay ee diirada u soo kora Chelsea.

Xiddiga diirada u saaran Manchester City Leroy Sane ayaa laga yaabaa inuu ka dhaqaaqo kooxda Jarmalka ee Schalke, iyadoo la kansalay qamaarka lagu galayay mustaqbalka ciyaaryahanka.

Manchester United ayaa ku biirtay ceyrsashada loogu jiro weeraryahanka reer Algeria Islam Slimani. Rag ka socda Man United ayaa daawaday xiddigaan ay 12ka milyan ginni ku qiimeyso kooxda Sporting Lisbon labo bilood ka hor.

Mats Hummels ayaa ku wargeliyay kooxaha Premier League inuu diyaar u yahay inuu dhaqaaqo ka dib markii uu sheegay inuusan weli wadahadalo qandaraas kordhin ah la gelin kooxda Borussia Dortmund.

Liverpool ayaa sii wadi doonta inay qiimeyso xiddiga reer Sweden iyo kooxda Red Bull Leipzig Emil Forsberg iyagoo doonaya inay dalab ka gudbiyaan xagaaga.

Edinson Cavani, oo lala xiriiriyay Arsenal iyo Manchester United ayaa la tusi karaa albaabka Paris Saint-Germain, iyadoo tababare Laurent Blanc uu diidan yahay inuu aqbalo dalabka ciyaaryahanka ee ah in laga dhigo dooqa koowaad ee gooldhaliye ee kooxda.

Daafaca kooxda Chelsea Baba Rahman ayaa qirtay inuu ku jahwareersan yahay waqti yar ee uu u helayo inuu ciyaarayo tan iyo markii uu u dhaqaaqay England.

Weeraryahanka reer Brazil Alexandre Pato ayaa xiiseynaya inuu u dhaqaaqo Chelsea halkii uu u wareegi lahaa kooxda Liverpool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com