Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

(daawo sawiro)Rea Madrid ayaa guul cidhiidhi ah oo ay xili danbe laysla gaadhay ka soo hoysay kooxda Granada, waxayna Los Blancos guushan muhiimka ah ku soo gaadhay 2:1. Laakiin Real Madrid ayay guushani ku qaadatay in ay sugto ilaa daqiiqadii 85 aad kadib

(MSL)Rea Madrid ayaa guul cidhiidhi ah oo ay xili danbe laysla gaadhay ka soo hoysay kooxda Granada, waxayna Los Blancos guushan muhiimka ah ku soo gaadhay 2:1. Laakiin Real Madrid ayay guushani ku qaadatay in ay sugto ilaa daqiiqadii 85 aad kadib markii uu   Youssef El-Arabi uu kansalay gool uu qaybta hore Benzema dhaliyay, waxaana Madrid guusha u soo hooyay oo waliba gool qurux badan oo gantaal ah saddexda dhibcood farta uga saaray Luka Modric.

Real Madrid ayaa marti u ahayd kooxda Granada,waxayna Los Blancos kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysay guulihii ay gaadheen kooxaha kaalinta kowaad iyo labaad ku jira ee Barcelona iyo Atletico Madrid, sidaa daraadeed wiilasha Zidane ayaa ku qasbanaa in ay guul soo gaadhaan si ay culayska ugu sii hayaan Barcelona oo kulankan ka hor 7 dhibcood ka saraysay Madrid halka A. Madrid ay afar dhibcood ka horyasay kooxda ay isla Madrid ku xifiltamaan ee Atletico Madrid.real

Iyada oo kulankii hore ee ay martida u ahayd Real Betis ay Real Madrid dhibco soo lumisay ayay doonayeen in ay qaab ciyaareeka Bernabeu u min guuriyaan kulamada ay martida yihiin, laakiin  Madrid ayaa ogayd in waxaan guul ahayn oo ay ka soo gaadhaan Granada ay dhaawac wayn u gaysan karto hamiga Madrid ee ay in ay u dagaalanto La Ligaha.Granada ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ku jirta kaalinta labaad ee ugu hoosaysa waxayna ka dagaalamaysay in ayna horyaalka hoose u dhicin.

Granada (4-2-3-1): Andres; Lomban, Costa, Lopes, Foulquier; Rico, Perez; Success, Rochina, Penaranda; Barral.

Kaydka: Jesus, Krhin, Cuenca, Doucoure, El-Arabi, Babin, Biraghi.

Real Madrid (4-3-3): Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Kroos, Isco; James, Benzema, Ronaldo.

Kaydka:Casilla, Nacho, Casemiro, Kovacic, Arbeloa, Lucas Vazquez, Jese.

Kulankan ayaan noqon sidii laga filayay,waxayna kooxda Granada oo booska labaad ee horyaalka ugu hooseeya ku jirtay ay Madrid kala hortimid qaab ciyaareed fiican iyo iska caabin layaableh. Real Madrid ayaa doonaysay in ay shaqadeeda inta ugu badan qabsato qaybta hore ee ciyaarta sidii ay soo kulankii hore samaysay laakiin Granada ayaa noqotay koox muujisay adkaysi badan.24

Daqiiqadii 11 aad Granada ayaa shabaqa soo taabtay kadib markii uu Penaranda uu gool udhaliyay laakiin calan wadaha ayaa tilmaamay in goolkani uu ahaa hormasaarto ama offside sidaana goolkan ayaan wax tirsan noqon laakiin daqiiqadii 13 aad Madrid ayaa ugu dhawaatay in ay hogaanka la wareegto kadib markii uu James karoos fiican u soo dhigay Ronaldo laakiin xidiga ree Portugal ayaa fursadan ka faa’iidayn.

Markale Ronaldo ayaa daqiiqadii 15 aad fursad fiican ka helay Modric balse sidoo kale fursadan ayaan noqon mid uu Ronaldo uu shabaqa ku soo taabtay, waxaa sii socotay fursad abuurista Madrid ay goolka furitaanka ku raadinaysay, balse dadaal dheer kadib Madrid ayaa ugu danbayn heshay goolka ay fursadaha badan u soo abuurtay waxaana daqiiqadii 30 aad goolkan udhaliyay  Karim Benzema kaas oo ka faa’iideeyay kubbad uu caawinteeda lahaa  Daniel Carvajal Ramos,waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Real Madrid hogaanka kula wareegtay. qaybta hore ee ciyaarta ayaana sidaa lagu kala nastay.benzema

Goolkan ayaa ahaa goolkii 19 aad ee uu Benzema ka dhaliyay La Ligaha isaga oo waliba shabaqa soo wada taabtay lixdii kulan ee ugu danbeeyay la Ligaha, wuxuuna tirada la wadaagaa Ronaldo oo awoodi waayay in uu wax gool ah kulankan ka dhaliyo.benzema1

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba soo laabteen iyaga oo goolal raadinaya waxaan bilawgii qaybta hore weeraro dhul gariir ah goolka Granada ku haysay Madrid. Daqiiqadii 50 aad Modric ayaa kubbad galtaal ah ku tuuray goolka Granada laakiin Fernandez ayaa halista dirqi iskaga saaray.

Balse daqiiqadii 54 aad ayay Real Madrid heshay waxa umuuqday goolka labaad ee Madrid kadib markii uu Benzema uu goolka Granada kula soo baxay kubbad ay kali isku noqdeen goolhayaha laakiin markan nasiibka Benzema ayaa noqday mid aan lagu faa’idin wuxuuna kubbada ku dhuftay jaho qaldan oo goolka ah.

Daqiiqadii 58 aad Granada ayaa ciyaarta ka saartay David Barral Torres waxaana dardar cajiib ah ciyaarta la soo galay Youssef El-Arabi kaas oo markii uu ciyaarta ku jiray wax laba daqiiqo ka yar goolka barbaraha u keenay kooxda martida loo ahaa Granada, isaga oo ka faa’iideeyay kubbad uu ka helay Rubén Rochina Naixes,wuxuuna kubbada ka saaray labada lugood ee Navas laakiin Carvajal oo isku dayay inuu kubbada badbaadiyo ayaan waxba samayn, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.arabi 222

Goolka ay Granada heshay ayaa ciyaarta ku sameeyay isbadal wayn, waxayna bilawday in ay difaaca Real Madrid ku abuurto nooc kasta oo dhibaato ah, wuxuuna Zidane bilaabay in uu walwalo kadib fursad abuuris aan caadi ahayn oo ay bilawday Granada, waxayna ciyaartu noqotay mid koox kasta laga filan karo in ay goolka guusha la timaado.

Real Madrid oo la yaaban dardar iyo weerarka cusub ee ay la soo baxday Granada ayuu daqiiqadii 85 aad Luka Modrić uu kooxdiisa culayska ka dulqaaday kadib markii uu Los Blancos udhaliyay gool aanu muddo dheer garoomada ka dhalin oo aha mid gantaal aan la joojin karin, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Madrid hogaanka ku soo ceshatay. Goolka uu Madric dhaliyay ayuu caawitiisa lahaa xidiga ay ree Croatia isku yihiin ee Mateo Kovačić.Modric

3Dhamaadkii ciyaarta Granada ayaa markale raadinaysay goolka barbaraha taas oo walwal badan ku abuuraysay Real Madrid laakiin ugu danbayn Los Blancos ayaa awooday in ay ciyaarta ku dhamayso 2:1 ay ku soo gaadhay guul cidhiidhi ah iyada oo Modric uu noqoday xidiga Madid ka badbaadiyay barbaro kale oo ay marti ku soo gali lahayd.25 modricc

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com