Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wefti Ka Socday Xukuumadda Djibouti Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarinneed Oo laga Hir-geliyay Degmadda Xariiradd Ee Gobolka Salel

Wefti ay hogaamineysay Marwo Nimco Cali Amakaak (Nimco Cali Guray), ayaa xadhiga ka jartay Mashaariic

Hargaysa(MSL):-Wefti ay hogaamineysay Marwo Nimco Cali Amakaak (Nimco Cali Guray), ayaa xadhiga ka jartay Mashaariic ay ka fullisay degmadda Xariirad oo ka tirsan gobolka Salel Somaliland.

Mashaariicdan oo iskugu jirtay Ceel biyood qaaddaaya 250 foosto iyo dayactir balaadhan oo lagu sameeyay dugsiga sarre ee Aadan Bille Secondary School oo dabaylo xooggani ay saqafka sarre ka tuurreen. Waxaanna labaddan mashruuc maal-geliyay Madaxweynaha jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa furitaanka labaddan Mashruuc loo qabtay Xafladdo is-barkan oo ay ka soo qeyb-galeen Nimco Cali Gurey oo hogaaminaysay Weftiga uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u soo igmaday, oo ay wehelinnaayeen Marwo Idil

Cali Gurey, Layla Xasan Raajis, Jawhar Macalin Aarreeye, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Xariirad Xuseen Barkhad, Caaqil Cali Fure, Caaqil Ibraahim Af-yuub, Xildhibaano, Haween, Dhalinyaro iyo mari-sharaf kale oo tiro badan.Nimco Cali Gurey oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Kayd-biyoodkan  aan maanta xadhiga ka jaray waxa Dadweynaha reer Xariirad u sameeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle, ILAAHAY ha ka ji’saa’i siiye. Waxa uu gartay inuu u damqado dadkiisa ku nool deegaanka Xariirad, waxa uu ka damqaday Biyo la’aanta haysata iyo gurmad la’aantooda, kadib waxa uu u sameeyey Keyd-biyoodkan oo qaadaya 250 Foosto oo biyo ah.”

Marwo Nimco Cali Gurey la hadlaysay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa waxay tidhi“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay dadweynaha reer Xariirad adiga way ku sugayaa, oo adeegyadii degmada Xariirad way ka liidataa, haday tahay Waxbarashadii oo macalimiin ay mushahar siiso Somaliland oo degmada ka hawlgalaa ma jirto, Caafimaadkii gebi ahaanba Cusbitaalkii qurba-joogu u dhistay dadweynaha reer Xariirad albaabada ayaa u xidhan, oo waa bilaa dhakhaatiir Sidaa daradeed Madaxweyne waxaan ku leeyahay hoos u eeg degmada Xariirad oo wax u qabo ILAAHAY ka baqo dadku waa isku wada mid oo waa isku baahiye”

“Xaalad adag oo abaareed ayaa jirta Degmada Xariirad iyo nawaaxigeeda cid u soo gurmatay ma jirto oo biyo iyo baad u keentay, markaa Dawlada Madaxweyne Siilaanyo maxay ku ilowday reer XARIIRAD? ma reer Jabuuti ayay ku haleynayaan, miyaanay ogeyn Xariirad inay ka tirsan tahay Somaliland.”Ayey tidhi Nimco.

Sidoo Kale, Nimco Cali Gurey waxa y Xadhiga ka jartay Dugsiga Sare Aden Bille Secondary School  oo jiingada iyo dib u habeyn lagu sameeyey, waxaanay tidhi “Maanta farxad ayay inoo tahay reer Xariiradoow, maadama dib loo furey Dugsiga Sare ee Aden Bille Secondary Iskuul, kadib markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle uu Jiingadii u saarey Dugsiga oo ay ka qaaday Dabeylo xoogani, intaas oodhan dhalinyaradu bilaa iskuul ayay ahaayeen. Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle waxaan leeyahay dadweynaha ree Xariirad waxaan kaaga sidaa Hambalyo iyo Duco ay ku soo duceynayaan, isla markaana waxay sheegeen inay ku taageersan yihiin oo ay hiil iyo hooba kula garab taagan yihiin”.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Xariirad Xuseen Barkhad oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uga mahad-celiyay Kayd-biyoodkan uu u sameeyey “Somaliland ha noolaato…..waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo deeqo farabaddan noogu  soo deeqay, tan aynu maanta halkan u joognaana oo ah Kayd Biyoodkan uu noo sameeyeyna ay ka mid tahay, waxaan leeyahay wax kalena noogu soo dar. Waanu taageersanahay hadaanu nahay reer Xariirad waxaan leeyahay cimrigaagu ha jiro, oo cadowgaagu ha jabo”.

Xildhibaan Aadan Cabdilaahi Boodhle oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Selel oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaynu maanta xadhiga ka jaraynaa Kayd-biyoodkan ay noo sameysay Jamhuuriyadda Jabuuti, maaha waxqabadkii kowaad ee ay noo sameysay. Kayd-biyoodkan waxa loo sameeyey dadweynaha ku nool degmada Xariirad, oo waxaan filayaa inay dadku kaga haqab beeli doonaan biyo  la’aantii haysatay”

“Waxaan u mahad-celinaynaa dadweynaha reer Jabuuti iyo Madaxweynahooga Ismaaciil Cumar Geelle, waxa hore na loo siiyay Gaadhigan Ambulaze-ka, waxa uu jiingad noo saaray Dugsiga Sare Aden Bille Secondary School oo ay dabeyli ka qaaday Jiingadii iyo codsiyo kale oo aan u dirnay oo aan ka sugeyno”.Ayuu yidhi.

Caaqil Cali Wabar, Caaqil Ibraahim Sugad good, Xildhibaan Axmed-Yaasin Muxumed Barkhadle iyo Masuuliyiin kale oo baddan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay si isku mida uga mahad-celiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle dhismaha Kayd-biyoodka uu u sameeyey degmada Xariirad, iyo Jiingada uu u saaray Dugsiga Sare ee Aden Bille Secondary Iskuul, waxaanay ILAAHAY ka baryeen inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo deeqahaasi uu u soo mariyay Nimco CALI Gurey, isla markaana waxay si isku mida u Caddeeyeen inay taageero la garab taagan yihiin, mar Afraad iyo Mar Shanaad-ba inuu dib ugu soo noqdo Madaxweynanimada Jabuuti.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle hore ugu soo deeqay Degmada Xariirad Ishiinka Biyaha soo saara oo ay muddo baddan u cadil-naayeen deegaankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com