Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyey musharaxii hore ee iska casilay xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan iyo taageerayaal wehelinayey.

xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyey musharaxii hore ee iska casilay xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan iyo taageerayaal wehelinayey.

Munaasibada uu xisbiga Waddani ku qaabilay musharaxii iska casilay xisbiga Ucid eek u soo biiray ayaa waxa ka soo qayb galay hogaanka xisbiga Waddani, xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbigaasi iyo taageerayaal fara badan.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey Cabdirashiid Xasan Mataan waxaanu yidhi “Musharaxii madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan salaadiintiisa iyo taageerayaashiisaba waxaanu leenahay ku soo dhawaada

 


xisbiga Waddani, xisbigani ma laha anigaa u soo horeeyey iyo anigaa u dambeeyey, waxaanad timaadeen xisbi idiin baahan oo somaliland oo dhan u baahan.”

 

Sido kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Kawaad Ee Xisbiga Axmed Muumin Seed waxaana uu xusay in si kal iyo laaba u soo dhawaynayaan Cabdirashiid Xasan Mataan Waxna Yidhi “ Aniga farxad gaar ah ayey ii tahay inu maanta nagu soo biiro Cabdirashiid Xasan Mataan iyo taageerayaashiisaba, waxaanan qalbi furan ku soo dhawaynayaa, waxaanan cadaynayaa in Cabdirashiid iyo Maxamed Cali ay yihiin garbahayga anaga oo isku duubana aanu meel gaadhsiin doono xisbiga.”

 

Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka hadlay munaasibadan lagu soo dhawaynayey ayaa dhankiisa  “Aniga oo qurba joog ah ayaan dalka imid ujeedada aan u imidna waxay ahayd inaan ka baxo dantii shakhsiga ahayd oo aan u baxo danta qaran oo aan noqdo jiil cusub oo dadka hor gali kara, waxaanan galay xisbiga Ucid oo noqon waayey sidii aan rabay.”

 

Cabdirashiid Xasan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey  “xisbiga maanta dalka lagu badbaadin karaa waa xisbiga Waddani waxaanan u sheegayaa taageerayaashaydii oo aan leeyahay xisbigani waa ka kaliya ee dalka lagu badbaadin karo, badbaadad qarankuna waxay ku jirtaa xisbiga Waddani, waanan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo xisbiga Waddani

 

Gabagabdii waxa si kal iyo laaba u soo dhaweeyay Cabdirashiid Xasan Mataan Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxaana uu yidhi “ waxaan so dhawaynaynaa cabdirashiid iyo tageerayaashiisa waxaan leenahay ku soo dhawaada Xisbiga wadani waxan halkan ka cadaynayaa siyaasiyiintaa uu hogaaminaayo cabdirashiid in aanay marti ahyin lakiin se ay yimadeen xisbigoogii waxaan ku kalsoonahay in cabdirashiid iyo taageerayaashiisu awaad galin donaan xisbiga wadani mar labaad waxaan leeyahay soo dhawaad” Ayuu Yidhi Gudoomiye cabdiraxaan ciro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com