Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhalinyarada Saaxil ayaa Canbaareeyey Dekeda Macmalka ah ee Ceelgarde ee Siilaanyo Sameysanayso ,Dhibaatadda Ka Timaaddana Siilaanyp Dusha u Saaray.

Kulan balaadhan oo maanta oo bishu tahay 12/2/2016-ka iskugu yimaadeen dhalinyarada gobolka Saaxil ayaa waxay ka soo saareen baaq deg deg ah oo xukuumadda Siilaanyo kaga dalbanayaan in la joojiyo dhismaha sharci darada ah ee ka socda Ceelgerde,dhalinyarada ayaa waxay tilmaameen in dhibaatooyin badani ka dhalan doonaan hadii aan si deg deg ah loo joojin dhismaha sharci darada ah,qodobada ay soo saareen waxa ka mid ahaa:
1: in si deg deg ah xukuumadda Siilaanyo u joojiso dhismaha sharci darada ah ee beesha Siilaanyo si sharciga dekedaha ka fog u dhisanayso deegaan la wada dego.
2: in dhismaha dekeda macmalka ahi keeni doondoonto iska hor imaad beelaha walaalaah ah ee beeshaasi wada dega.
3: in hadii sifo sharci daro ah loogu ogolaado beesha Siilaanyo inay beel walba dhisan doonto deked ay iyadu leedahay,taasina ay dalka gelin doonto fowdo iyo qas.
4: in meeshaasi laga dhoofin doonoo khayraadka kala duwan ee dalka.
5: in meeshaasi lagala soo degi doono hubka iyo waxyaabo khatar ku ah dalka iyo jiritaanka Somaliland.
6: in laga soo dejin doono kontara baanka oo dhan,taasina ay hoos u dhigi doonto dakhliga dekeda weyn ee Berbera.
7: waa in wixii dekedo ah ee dalku u baahan yahay jaangoysaa wasaaradda kaluumaysigu oo ay muhiimad u kala yeeshaa sida ay u kala budan yihiin.
8: waxaanu uga digayna xukuumadda inay joojiso hantida umadda ee lagu bixinayo dekedaasi sharci darada ah.
9: ugu danbeyntii waxaanu ugu baaqanaa Madaxweyne Siilaanyo in uu si deg deg ah u joojiyo Dekedaasi sharci Darada ah.
Afhayeenka Dhalinyarada Gobolka Saaxil
Xasan Maxamed Jama
Wadajir@gmail.com
Berbera/Somaliland

MAANTASOMALILAND,COM

HARGAYSA OFFICE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com